Laascaanood: Tababar Ku Saabsan Baraahadda Dastuurka iyo Waddaniyadda

0
398

Laascaanood (Hargeisa Press): Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa tababar u soo xidhay
Dufcadii Afraad ee shaqa dhalinyarada Qaran ee gobolka Sool.

Tababarkaasi oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Laascaanood ayaa loo qabtay hablaha ka mid ah dufcada afraad ee shaqo qaran ee gobolka Sool.
Soo xidhitaanka tababarkaasi waxaa badhasaabka ku wehelinayay Isuduwayaasha wasaarradaha Xidhiidhka galayaasha iyo Dastuurka, Waxbarashada iyo sayniska ee gobolka Sool iyo taliyaha Qaybta booliska gobolka Sool.


Tababarkan ayaa ku saabsanaa barashada Wadaniyada iyo Dastuurka, iyadoo barnaamijla shaqo qaran uu fikirkiisa lahaa madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, kaasoo kaalin weyn ka qaatay dhiiri gelinta iyo shaqo abuurka dhalinyarada.


Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka tababarkaasi ayaa u mahad celinayay walidiintii Tacabka iyo garab istaaga la garab taagnaa dhalinyaradan.

DAAWO: Hadalkii Badhasaabka Sool:



Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here