Xukuumadda Somaliland oo Fariin Isugu Jirta Codsi iyo Digniin Hawada u Marisay Ganacsatada Kala Duwan ee Dalka

0
1056

Wasaaradda Ganacsiga oo ka hadashay hoos-u-dhaca sarifka doollarka iyo qiimaha sare ee ay ganacsatada reer Somaliland weli ku iibinayaan badeecadaha kala duwan

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka codsatay ganacsatada kala duwan ee dalka inay qiimaha badeecadaha iyo adeegyada ah ee ay iibiyaan ku saleeyaan hoos-u-dhaca ku yimid sarifka doollarka, kaasoo muddooyinkii u dambeeyey si xooggan hoos ugu soo dhacay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md. Md. Mustafe Maxamuud Cali (Bile) oo saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in qiimaha sarifka doollarku hoos uga dhacay 9,000 SLSH ah, balse ay weli ascaartu taagan tahay halkii la gaadhsiiyey markii uu halka doollar ahaa 11,000 SLSH ah, isagoo caddeeyey in haddii ganacsatadu qaadan waayaan codsiga ay u jeediyeen ay Wasaarad ahaan qaadi doonaan tallaabo lagu xaddidayo qiimaha ascaarta iyo badeecadaha laga iibiyo dadweynaha reer Somaliland.

“Waxa aannu maanta halkan kala hadlaynaa ganacsatada kala duwan ee dalka, iyadoo mawduuca aannu kala hadlaynaana uu yahay mawduuca la xidhiidha sarifka doollarka iyo isbeddelka ascaarta oo sida aynu wada ognahay doollarkii wuu jabay, intii uu ahaana in badan ayuu ka hoos maray oo saaka (shalay subax) waxa uu marayaa 8,500 SLSH ($1 waxa lagu sarifayaa 8,500 SLSH), waxaanna aynu caadiyan wada ognahay in marka uu doollarku kor u kaco in qiimaha ascaartuna uu kor u kaco, iyadoo ganacsatadu ku andacoonaysa hadal ah; ‘waxa kacay doollarkii, isla markaana ascaartu kor ayey u kacaysaa.’ Waxaanna sidoo kale lagama maarmaan ah in marka uu doollarku uu jabo ay ascaartuna jabot oo ay hoos u noqoto,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aynu wada ognahay inuu saaka (subaxnimadii shalay) uu halka doollar marayo wax ka sii hooseeya 9,000 SLSH ah, isla markaana uu hoos u sii socdo, iyadoo ay qiimaha ascaartuna ay taagan tahay halkii ay joogtay markii uu doollarku qaaliga ahaa ee uu taagnaa 11,000 SLSH ah oo aannu qiimihii ascaartu weli halkaas hoos uga soo dhicin.”

Agaasimaha Guud, ayaa caddeeyey inay suuqyada magaalooyinka dalka u direen kooxo hawlwadeenno ah oo soo dersa qiimaha ascaarta iyo farqiga sarifka doollarka, waxaannu yidhi; “Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey waxa aannu samaynay daraasad la xidhiidha qiimaha ascaarta oo koox (hawlwadeenno kala duwan) ayaannu suuqa gelinay, waxaanan soo ogaanay in aannu jirin hal shay oo hoos u dhacay oo uu shay walba marayo halkii uu taagnaa markii uu doollarku ahaa 11,000 SLSH.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, ayaa sidoo kale ka codsaday ganacsatada dalka inay u naxariistaan bulshadooda, isla markaana hoos u dhigaan qiimaha ay ku iibiyaan badeecadaha iyo adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan, waxaannu yidhi; “Waxa aannu ka codsanaynaa ganacsatada in ay is waafajiyaan sicirka doollarka iyo sicirka ascaarta oo ganacsatada si qabaw ayaannu ula hadlaynaa oo ganacsatadu waa ganacsatadayadii, iyagana dadku waa dadkoodii, dalkuna waa dalkoodii oo masuuliyad ayaa ka saaran. Markaa waxa aannu ganacsatada mar labaad iyo mar saddexaadba ka codsanaynaa inay u tudhaan dadkooda iyo dalkooda, Ilaahayna (SWT) ka baqaan, woxoodana (hantidooda) xalaashadaan, dadka masaakiinta ahna ay u tudhaan, kana dhimaan qiimaha ascaarta.”

“Maanta arrintayadu waa codsi, laakiin haddii ay ganacsatadu beddeli waydo arrintan ama sicirku uu isbeddeli waayo arrintu sidaas ma ahaan doonto. Masuuliyadda shacabku anaga ayey na saaran tahay oo in aannu ascaarta xakamayno haddii aannu nahay Wasaaradda Ganacsiga, lana socono waa awoodayadii aannu u xilsaarnayn (our mandate), taas ayaannu kor iyo hoosba u leenahay oo shay walba, maadaama oo uu doollarkii dhacay in shay walba qiimahiisu la dhaco, qiimahiisuna la socdo halka uu marayo sarifka doollarku oo halkii uu hore u joogay aad iyo aad hoos uga soo dhacay oo lacag ilaa saddex kun (3,000 SLSH) ku dhaw ay hoos u dhacday. Ganacsato marka aan leeyahay maaha kuwa bakhaarada oo keliya iibiya ee waa cid walba oo ganacsanaysaa oo hudheelada ayaa ku jira, kaalmaha shidaalka ayaa soo gelaya, ganacsiguna wuu ballaadhan yahay oo isgaadhsiinta ayaa soo gelaysa oo imminka marka uu qofku halka doollar iibsanayo waxa loogu dhuftaa 11,000 SLSH, imminkana waxa uu marayaa 9,000 SLSH ah oo hudheelka intii uu saxanka bariiska ahaa ayuu weli marayaa oo wasladda hilibka ah intii ay ahayd ayey maraysaa, markaa waxaas oo dhani waa inay la socdaan oo la jabaan isbeddelka doollarka,” ayuu yidhi  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md. Mustafe Maxamuud Cali (Bile).

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here