Warbixin: Arrimo Xasaasi ah oo Halis Galin Kara Mustaqbalka Muqdisho

0
818
Caasimada Somalia ee Muqdisho

Muqdisho (HargeisaPress/BBC)— Warbixin dhinacyo kala duwan taabanaysa, ayaa lagu iftiimiyey arrimo xaasaasi ah oo lagu sifeeyey inay halis gelin karaan mustaqbalka magaalada Muqdisho ee xarunta u ah dalka Soomaaliya, iyadoo ay Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee sheegata inay ka taliso Soomaaliya ay ku fashilan tahay inay wax ka qabato xaaladda amni-darro ee hadheeyey Muqdisho.

Sidaana waxa lagu sheegay warbixin lagu faafiyey BBCSOMALI.COM oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, taasoo u qornayd sidan; “Xaalado amni-darro oo ay ka mid yihiin dhulka dowladda ee la deggen yahay, dilalka darawalada Bajaaj-ta iyo siyaasiyiinta isku eedeynaya ka mid ahaanshaha Al Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhay amniga magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka qaar ay qabaan aragti ah in xasiloonida caasimadda ay ku xidhan tahay.

Dilalka loo geysto darawalada bajaaj-ta

Askar la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidammada dowladda Soomaaliya oo joogay bar-koontarool ayaa dil u geystay labo wiil oo midi ahaa darwal bajaaj, halka kan kalena uu ahaa qof la saarnaa bajaajta. Dilka ayaa dhacay kadib markii askarigu uu u sheegay wiilka waday bajaajta inuu dib u laabto, balse wiilka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ku wargeliyay askariga inuu ku sii jeedo hoygiisa oo ku yaalla nawaaxigaasi.

Cabdulaahi Maxamed Cismaan oo ka mid ah dhallinyarada ku shaqeysata bajaajta ayaa BBC-da u sheegay in wiilka geeriyooday iyo askariga uu hadal dhexmaray.

“Askariga ayaa u sheegay wiilka geeriyooday in aannu mari karin waddada, balse wiilka ayaa ku adkeystay inuu ku sii jeedo gurigiisa,” ayuu yidhi Cabdulaahi Maxamed Cismaan oo bajaajle ah.

Inkastoo aanay ahayn markii ugu horeysay oo ay ciidammada dowladda ku dilaan darawalada gaadiidka bajaajta Muqdisho, haddana falkii ugu dambeeyay waxaa uu kaga duwan yahay kuwii hore arrimo ay ka mid yihiin dibad-baxyo daba socday oo ka dhacay waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Madaxda laamaha ammaanka iyo dowladda hoose ee Xamar ayaa dhowr jeer oo hore ballanqaaday inay wax ka qabanayaan dilalka loo geysto darawallada Bajaajta, balse wali waxaa muuqata in aanay joogsan dilalka, taasi oo xaalad hor leh ku soo kordhisay amniga caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isla galabtii uu dilka dhacay ka hadlay wixii dhacay ayaa si kulul u cambaareeyay arrintaasi. “Qofkii wax tabanaya ma aha in sharciga iyo caddaaladda gacantiisa uu ku qaato, ma aha in uu hantida shacabka Soomaaliyeed burburiyo, ma aha in uu nabadgelyo-xumo iyo nidaam-xumo horseedo, ma aha in cadawga aan la dagaaleyno oo argagaixisada ah uu gacan siiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo uu Madaxweynaha intaas raaciyay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan dad uu ku sheegay inay yihiin qaswadayaal ku soo dhex dhuunta dadka shacabka.

Siyaasiyiinta isku eedeeynaya ka mid ahaanshaha Al-Shabaab

Waayihii hore way adkeyd in la arko siyaasiyiin isku eedeynaya ka mid ahaanshaha Al Shabaab iyo kuwa dowladda ku eedeynaya in laamihii amniga ay ku dhex milmeen rag ka tirsan Al-Shabaab, balse maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u soo shaac baxay siyaasiyiin kala fikir duwan oo haddana isku eedeynaya ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab oo aan hore looga baran.

Xildhibaan Goodax Barre oo sidoo kale ah Wasiirka Waxbarashada ee Dowladda Federaalka oo ka dhex hadlayay xarunta Golaha Shacabka xilli halkaas uu buuq ka dhashay arrimaha amniga uu ka tagnaa ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ku eedeeyay inay ka shaqeyaan danaha kooxda Al-Shabaab ee barlamaanka dhexdiisa.

“Al-Shabaab waxay rabeen in fowdo ay barlamaanka ka dhacdo, waxaa u sahlay dad sheeganaya inay xildhibaano yihiin, ficilkooduna uu Shabaab ka u adeego, waa dad shabaab u shaqeeyo,” ayuu yidhi xildhibaan Goodax Barre.

Waxaa sidoo kale xigtay in xildhibaan Zakariye Gaashaan oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka uu Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasin weydiiyay su’aal ahayd in hay’addaasi ay ku dhex milmeen rag ka tirsan Al-Shabaab, maadaama taliye-ku-xigeenkii hore ee NISA uu hore u xaqiijiyay arrintaasi.

Hasayeeshee, Taliye Fahad Yaasin ayaa la sheegay in uu xildhibaan Zakariye ka dalbaday in uu raaligelin ka bixiyo hadalkaas oo haddii uu sidaasi sameyn waayana uu ka qaadi doono tallaaba waafaqsan sharciga.

In dhinacyada uu midba mid ka kale ku eedeeyo inuu yahay Al-Shabaab ayaa ah astaan xun oo muujinayso in isku talax-tegayaan oo xIitaa sababi karto in taageerayaasha iska soo horjeedo uu midba baneysto dhiigga midka kale.

Dhulka Dowladda ee la haysto

Arrinta ku saabsan dadka deggan xarumihii hore ee dowladda ayaa iyaduna noqotay mid muddooyinkii dambe aad loo hadal hayay. Dhul ay degan yihiin dad uu ka mid yahay xildhibaan ka tirsan aqalka Senate-ka ee Soomaaliya, ahna hoggaamiye kooxeed hore – Muuse Suudi Yalaxow ayaa maalmahan noqday mid aad loo hadal hayo.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu Muuse ku gacan saydhay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxman Cumar Yarisow oo sheegay in dadka degen dhulkii hore ee ciidammada badda ee Soomaaliya ay banneeyaan.

Guddoomiyaha ayaa 11-kii bishii Maarso sheegay in xaruntii Ex- Marino ee ciidammadii badda ee Soomaaliya laga dhigi doono aag diblomaasi, sidaasi darteedna dadka deggen halkaasi ay banneeeyaan.

Waxa maalmihii dambe soo baxayay warar sheegaya in dhulkaasi laga yaabo inay xiisad ka dhalato, hasayeeshee, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay BBC-da la xidhiidhay, ayaa sheegay in amarkii ay soo saareen uu wali sidii yahay.

“Dadka dhulkaasi deggen waxay ku andacoonayaan in nidaam dowladeed lagu siiyay, waxaan arrintan kala kaashaneynaa Wasaaradda Gashandhigga, si aan u dhegeysano cabashadooda, iyo sidii wax looga qaban lahaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Yarisow oo BBC-da la hadlay.

“Sida ku qoran dastuurka, dowladda ayaa mas’uul ka ah dhulka, waa in ay dowladda u dhaqantaa si mas’uuliyad ay ku jirto oo waa in ay eegtaa sida dowladihii iyada ka horeeyay ay u soo dhaqmeen. Arrinta Muuse, dowladda waxaa la rabaa inay la timaaddo aragti macquul ah oo Muuse Suudi keliya ma ahane dadka oo dhan ay aqbali karaan, taasi oo u hiilineysa sarreynta sharciga,” ayuu yidhi Xasan Cali oo ka faallooda arrimaha ammaanka.

Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay in haddii arrintan aysan dowladda u wajihiin qaab waafqsan sharciga ay saameyn ku yeelan karto ammaanka, maadaama hub fara badan uu gacanta ugu jiro shacabka.

Waxaa arrinta sii murjinaya taariikhda Muuse Suudi oo hore Muqdisho uga ahaa Hoggaamiye Kooxeed awood badan, taas oo dad badan ay ka cabsi qabaan inay dhaliso abaabul qabiil ku saleysan oo mar kale dib u billawda.

Saddexdan arrimoo ee kor ku xusan ayaa dadka indho-indheeya xaaladda Soomaaliya waxay qabaan aragti ah in qaabka hadda loo wajahayo qaab ka duwan loo ambaqaado, si aysan saameyn ugu yeelan xasiloonida dalka Soomaaliya.

“Iyadoo aan qorshihii amniga qaranka la meel-marinnin, kii ay AMISOM ku bixi lahayd ee ku-meel-gaadhka ah aan weli meel la isla saarin, xukuumaddana aysan si la yaqaano weli lugaheeda isugu taagin, mucaarad la taaban karo oo la isku hallayn karana aannu jirin, waxaad mooddaa in aysan habboonayn in arrimahaas si dowladnimo ah loo wajaho oo aan marna laga maarmi doonin Soomaalinimo, xeer iyo macmiil!” Sidaas waxa ku doodaya Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare Jaamacedeed oo arrimaha Soomaaliyana indha-indheeya.

Dowladda Soomaaliya oo waayihii dambe looga bartay go’aanno aan hore loo arag ayaa haddii aysan arrimahan u waajihin qaab degen ama aysan xal u helin waxaa dhici karta in ay saameyn ku yeelato amniga dalka oo ay haatan la daalaa dhaceyso,” ayaa lagu yidhi warbixinta lagu faafiyey BBCSOMALI.com.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY