Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka Qaybgalay Xuska Maalinta Dhirta Somaliland + SAWIRRO

0
963

Hargeysa,(HargeisaPress) — Maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si ballaadhan looga xusay degaannada kala duwan ee dalka, iyadoo magaalooyinka waaweyn laga beeray dhir aad u badan, taasoo qayb ka ah daryeelka degaanka iyo ilaalinta bilicda.

Xuska maalinta dhirta ee ka qabsoomay Caasimadda Hargeysa Maanta oo hal-ku-dheggiisu ahaa; ‘Dhankastoo laga eego dhirtu waa nolosheena ee aan dhwarno.’  Waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahai Ismaaciil (Saylici),  Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo dhiraynta iyo beerista dhirta, iyadoo uu Madaxweyne Muuse Biixi hore u shaaciyey in sannad walba 15 April Somaliland laga xuso maalinta dhirta.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay dhawaan soo saari doonaan sharci dadka ku waajibinaya inay guryahooda ku beeraan dhir, si looga hortago xaalufka iyo bilic-xumada.

Dhinaca kale, Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga marwo Shukri Xaaji Baan-dare oo halkaas khudbad ka jeedisay ayaa tilmaantay sida ay deegaanka u ilaaliyaan, ulana dagaalamaan cidkasta waxyeelaysa Deegaanka, waxaa ay u mahadcelisay Ciidanka Booliska iyo Maxkamadaha oo ay sheegtay inay sharciga ugu hiiliyaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahai Ismaaciil (Saylici) oo gebagabadii munaasibadaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Xuska maalintani qiimo weyn ugu fadhiyo qaranka, waxaana uu u mahadceliyey Wasaaradda Deegaanka iyo Wasiirkeeda oo ku tilmaamay inay tahay Wasiir lexejeclo badan ka qabta qaranka Somaliland, isla markaana ay mudan tahay in la guddoon siiyo Shahaado Sharaf,  iyadoo uu Madaxweyne-ku-xigeenku bulshada kula dardaarmay in la ilaaliyo Deegaanka, lagana qeyb qaato sidii horumarin lahaa, si looga gaashaanto Abaaraha ku soo noqnoqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here