Xukuumadda Somaliland oo Baaq Hawada u Marisay Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya

0
763
Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress)—Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay dowladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, kaasoo la xidhiidha in gacantooda dib ugu soo celin doonaan hantida qaranka ee ku yaal dhulka Somaliland.

Xubno loogu yeedhay Guddida badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Ra’iisal-wasaaraha maamulka Muqdisho maalintii Jimcaha, ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii dib gacanta dowladda loogu soo celin lahaa hantida dowladdu lahayd, kuwaasoo ku dooday in shaqooda ay ku jirto soo celinta hantida qaranka ee ku yaal dhulka Somaliland, isla markaana gacanta u galay cid aan dowli ahayn.

Hasayeeshee warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa lagu sheegay in maamulka Muqdisho ay ka waantoobaan riyada dhalanteedka ah ee ay ku daba joogaan dalka Somaliland.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wax qiimo ah agteeda kama laha hadallada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac-u-yaalka ah ee Soomaaliya ku marin-habaabinayso ummaddeeda tabaaleysan, waxaana dhaqan ka noqotay inay sheegato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor.

Dowladda Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM, waxa la yaab noqotay inay shalay (maalintii Jimcaha) ku dhawaaqday inay diiwaan-gelinayso hantida ma-guurtada ah ee dalkeeda oo ay sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay uga dan leedahay inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashka toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi qaybo ka mid ah shidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey, iyadoo horena ay u jirtay inay  hadiyad u bixisay  soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta  ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo laab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shan Madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here