Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Lagu Qaabilay Xarunta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC

0
913

Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland oo xaflad soo dhawayn ah u sameeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Hargeysa,(HargeisaPress)—Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo toddobaadkii u dambeeyey safar shaqo ugu maqnaa dalka Holland ee qaaradda Yurub, ayaa lagu soo dhaweeyey Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC (International Criminal Court) ee xarunteedu tahay magaalada The Hague ee dalkaas.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo dib ugu soo laabtay Caasimadda Hargeysa shalay, kadib markii uu soo dhammaystay safarkiisa shaqo, ayaa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyey booqashada uu ku tegay Xarunta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, halka sidoo kale ay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare xaflad soo dhawayn ah u sameeyeen Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Holland.

Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa lagu soo dhaweeyey Xarunta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC (International Criminal Court) oo xarunteedu tahay magaalada The Hague ee dalka Netherlands (Holland), iyadoo ay Maxkamaddani qaabilsan tahay dacwadaha khuseeya dambiyada caalamiga ah ee la xidhiidha falalka xasuuqa ah, dambiyada ka dhanka bani’aadanimada iyo dambiyada dagaalka.

Waxa ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka tirsan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC oo ay ka mid yihiin;

  • Xavier Jean Keita oo ka tirsan xafiiska difaaca (Principal Counsel for the Defence Office) ee Maxamadda ICC
  • Marie O’Leary oo ka mid ah waaxda talo-bixinta dadweynaha ee xafiiska difaaca Maxkamadda ICC (Counsel for the Office of Public Counsel for the Defence – (OPCD)
  • Iyo Aze Kerte oo ka tirsan hawlwadeennada Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.

Masuuliyiinta iyo Hawlwadeennada Maxkamadda ICC, waxa ay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland soo tuseen, soona mariyeen qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Maxkamadda ICC. Waxa kaloo ay u sharxeen, una soo bandhigeen qaabka ay u shaqayso, qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay iyo guud ahaan xogo faahfaahsan oo khuseeya Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isna dhinaciisa uga mahadnaqay sida fiican ee ay ugu soo dhaweeyeen xarunta Maxkamadda ICC, isagoo u sharxay hannaanka shaqo garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay, shaqada fiican ee ay u hayaan bulshada iyo guud ahaanba xogaha ku saabsan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu u iftiimiyey in isbeddel muuqda oo la taaban karo ay ka hirgeliyaan bahda caddaaladda Somaliland oo ay ugu horeeyaan Maxkamadaha Somaliland.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu kala hadlay sidii iskaashi buuxa looga dhex abuuri lahaa garsoorka Somaliland iyo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, gaar ahaan sidii ay garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyeyaasha, qareennada iyo hawlwadeennada kale ee bahda Garsoorka Somaliland uga faa’iidaysan lahaayeen aqoonta ay hayso Maxkamadda ICC, isla markaana ay tababaro iyo duruus aqoon-korodhsi ah ugu qaadan lahaayeen Xarunta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee The Hague, Holland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu saraakiisha Maxkamadda ICC ka guddoomay dhukumantiyo ka kooban dhammaanba xeerarka kala duwan ee ay ku shaqayso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC iyo macluumaadyo kale oo khuseeya Maxkamadda ICC, kuwaasoo lagala soo dhex bixi karo aqoon iyo cilmi khuseeya shaqooyinka garsoorka Somaliland.

Geesta kale, jaaliyadaha iyo dadka qurbo-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Holland (Netherlands) oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyaha Jaaliyadda Holland iyo Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada xuska maalinta qarannimada Somaliland, ayaa xaflad soo dhawayn ah u sameeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, iyadoo uu uga mahadnaqay qurbo-joogga Somaliland sida fiican ee ay soo dhaweeyeen, waxaannu uga xog-waramay xaaladda guud ee dalka, isagoo ku dhiirigeliyey inay sii labanlaabaan dedaalka ay ugu jiraan horumarka dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here