Xukuumadda Somalia oo xilalkii ka qaaday Wasiirradii Caafimaadka iyo Waxbarashada iyadoo lagu bedelay wasiiro cusub

0
1118

MOGADISHU, Somalia –Wasiirradii Caafimaadka iyo Waxbarashada Somalia ayaa maanta xilalkii laga qaaday iyadoo lagu badalay laba wasiir oo cusub.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xeer uu soo saaray ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.

 

Labada wasiir ee xilalka laga qaaday ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.

 

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha aqbaley magacaabista laba wasiir oo cusub oo xilalkaasi la wareegaya.

 

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

 

Aqbalaadda xil ka qaadista iyo magacaabista xubnahan Golaha Wasiirada ka tirsan ayaa dhaqangaleysa maanta oo taariikhdu tahay 24 June, 2016.

 

 

Mohamed Adan Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here