“Dadkii Oromada ahaa ayaa Dalka aad ugu soo batay, iyadoo Dadkii Waddanka u dhashay oo Baahi badan hayso ku haya dhib badan” Sheekh Aadan-Siiro + Muuqaal

0
1127

HARGEISA , (HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Ahmiyadda ay leedahay Sakada oo sideeda loo bixiyaa iyo doorka ay qaadan karto haddii la mideeyo oo Dadka Muslimka ah ee Baahan si qorsheysan loo siiyo.

 

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Nidaamka Dhaqaale ee Islaamku jideeyay, kaasi oo Zakada iyo Sadaqadu Saldhig u yihiin, waxaanu tilmaamay inay muhiim tahay in Masaajiddada ku yaalla Hargeysa Guud ahaantood laga bilaabo Qorshe Dhaqaale loogu Abuurayo Dadka baahan, kaasi oo ah in Qof kasta uu Jimce Walba Masaajidka uu ku tukado geeyo Kun Shilin oo Lacagta Somaliland ah, kaasi oo marka la isku Geeyo Baahi tiri kara Dadkeenna Baahan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, oo ugu horeyn ka hadlaya Muhiimadda Islaamku siiyey Zakada iyo Sadaqada, ayaa yidhi, “Islaamku waa Nidaam Dhamaystiran oo aan u baahnayn Yurub,  Maraykan iyo kuwaa Mujrimiinta ah wa uga soo waaridno. Nidaamkiisa dhaqaale waxa ka mid ah Zakada iyo Sadaqada, iyada oo aanay Jirin Khayraadka ay Maanta haystaa Muslimiintu, ayaa Dalalka Muslimiinta laga waayay Qof baahan oo ku dhex jira markii Nidaamka Zakada sidiisii loo raacay. Muslimiintu waxay gaadheen in Wakhtigii Cumar Binu Cabdicasiis inay Afrika la keeno Sakada oo la iibsado Dadkii la Addoonsanayey, markaasaa la Islaamin jiray, markii la waayey Cid kale oo Sakada la siiyo, kaasina waa Nidaamka Dhaqaalaha ee Islaamka.”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY