Xukuumadda oo Sheegtay In Weerar Lagu Soo Qaaday Ciidamada Qaranka

0
1565
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Laascaanood (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in Ciidamada qaranka ee ku sugan magaalada Laascaanood saaka weerar lagu soo qaaday.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo lagu baahiyay bogga Facebook-ga ee Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in kooxo nabadiid iyo argagixiso ahi ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada qaranka.

“Kooxaha nabad diidka iyo argagixisadii is huwanaa ayaa saacad ka hor weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Laascaanood, iyagoo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan”.

Bayaanka wasaaradda arrimaha Gudaha, ayaa lagu sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ay ku suganyihiin fadhiisimadooda isla-markaana ay is difaacayaan, iyaga oo ixtiraamaya xabad joojintii ay xukuumaddu ku dhawaaqday.

“Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ilaalinaya xabad joojintii xukuumaddu ku dhawaaqday, wuxuu ku sugan yahay difaacna kaga jiraan fadhiisimadiisa, masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada”. ayaa lagu yidhi Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here