Buug Laga Qoray Taariikh-nololeedkii Xildhibaan Gudaal oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

0
614

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland habeenkii Xalay ahayd lagu soo Bandhigay Buugga HALGAN iyo HIMILO oo uu Qoray Aqoonyahan Axmed Kilaas Jaamac.

Buugga ‘Halgan iyo Himilo’ ayaa xambaarsan Taariikh-nololeedkii, Shaqsiyaddii iyo Doorkii uu Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada Somaliland ka soo qaatay Allah ha u naxariistee Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland.

Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Sannadkii 2016-kii ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Munaasibadda Bandhigga Buugga ‘Halgan iyo Himilo’ oo Xalay ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Culimo-Aw-Din, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween.

Masuuliyiin iyo Shaqsiyaad ka hadlay munaasibadda oo qaarkood ay soo wada-shaqeeyeen Marxuumka Buugga Xildhibaan Gudaal, ayaa ka warramay aqoontii ay u lahaayeen iyo doorkii uu ka soo qaatay Halgankii Dalka loo soo galay, Nabadeyntii Beelaha Somaliland iyo Dhismihii Dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here