Guddoomiyaha Hay’adda Aafooyinka oo Hortagay Golaha Wakiillada

0
424

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Khayraadka Dabiiciga ah, Deegaanka, wax soosaarka iyo Tamarta ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta Haya’dda u diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland.

Kulankaas, ayaa waxa goob joog ahaa guddi hoosaadka Khayaadka dabiiciga ee golaha Wakiillada oo uu guddoominayay Guddoomiyaha guddida Xildhibaan Saleebaan Maxamed Faarax Goox iyo sidoo kale Guddoomiyaha hay’adda Aafooyinka iyo masuuliyinta Hay’adaasi.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ujeedadiisu ahayd is xog waraysi labada dhinac ah iyo xog-ogaal u noqoshada shaqada ay u Haya’ddu u hayso Qaranka iyo sidoo kale wax ka badelka iyo kaabista xeerka hay’adda oo golaha wakiila hor yaal sidii looga wada shaqayn lahaa ansixintiisa.

Kulankan, ayaa ahaa mid aan loo ogolayn warbaahinta, kaasi oo diirada lagu saarayay sidii mihiimad wayn loo siin lahaa hirgalinta wax ka badelka iyo kaabista xeerka hay’adda iyo ansixintiisa, balse markii uu soo dhamaaday kulanku, ayaa waxa ka warbxiyay Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh.

Waxaanu xusay in ay guddi hoosaadka kheyraadka dabiiciga ee Wakiillada isla qaateen in laga wada shaqeeyo sidii loo riixi lahaa xeerka Hay’adda ooh or yaala golaha, loona ansixin lahaa.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay inay guddidu ka waraysteen shaqada Hay’addu ay Qaranka u hayso iyo halka uu gaadhsiisan yahay waxqabadkeedu, waxaanu xusay in ay warbixin faahfaahsan ka siiyeen shaqada iyo hawluhu halka ay u marayaan.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka Kheyraadka dabiiga, Deegaanka, wax-soo-saarka iyo Tamarta golaha Wakiillada Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax Goox, ayaa isaguna dhankiisa ka warbixiyay kulankan ay ugu yeedheen masuuliyiinya Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka, waxaanu bayaamiyay in muhiimada kulanku ay ahayd wax ka badelka iyo kaabista xeerka Hay’adda oo golaha horyaala iyo sidii looga wada shaqayn lahaa in gole waynuhu hore u ansixiyaan, maadaama uu yahay xeerkii ay Hay’addu ku shaqaynaysa.

Guddoomiyaha guddida, ayaa sidoo kalen isna xusay inay isla qaateen masuuliyiinta Hay’adda Aafooyinka sidii loo meel marin lahaa xeerkaasi oo uu xusay inuu ajandahooda ku jiro, waxaanu intaasi ku daray in ay ka guddi ahaan rajaynayaan in xaga hore lasoo marin doono maadaama uu muhiim u yahay Qaranka.

Gebo’gebadii kulankaasi, ayaa uu ku so dhamaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo sii gole waynaha wakiiladu u ansixin lahaayeen wax ka badelka iyo kaabista xeerka Hay’adda Aafooyinka oo muhiimad wayn u leh, isla markaasi ay baahi u qabaan ku shaqyntiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here