Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga oo Ka Warramay Doorkii Xildhibaan-Khaliif Kasoo Qaatay Dhismaha-Dowladnimada

0
608

Hargeysa (Hargeisa Press) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxaa uu ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigayay Buug la magac baxay Halgan iyo Himilo.

Buuggan oo habeenkii Xalay ahaa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa, ayaa laga qoray Allah u naxariistee Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyay munaasibada, ayaa ka warramay taariikhdii Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal iyo doorkii uu ka soo qaatay Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada Somaliland, Hagankii Dalka iyo Nabadeyntii Beelaha Somaliland.

Agaasime Cabdirashiid, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in sidii Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal caadada u ahayd in hadalkasta iyo go’aan kasta oo la gaadho ay u horeyso Aakhiradu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here