Xukuumadda oo Ka Arrinsatay Qaabka Loo Wajahayo Xumadda Dengue

0
1225

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarrada horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa qabtay shir lagaga arrinsanayay qaabka loo waajahayo xumadda Dengue Fever oo dalka mar labaad ka dilaacday.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasimaha Waaxda adeega Caafimaadka iyo Horumarinta Cusbitalada, isu’duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Marood-ijeex, agaasimaha Cisbitaalka guud iyo madaxda Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee aan dawliga ahayn.

Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa shirkan la iskula qaatay in la adkeeyo wadashaqaynta isla markaana la joogteeyo xidhiidhka wada shaqayneed ee wasarada iyo cusbitalada aan dawliga ahayn.

May be an image of 10 people

Sidoo kale, waxan laysla meel dhigay sidii looga horti lahaa xumada cusub ee hada wadanka ka jirta ee kududiyaha (Dengue fever), waxan kulankani ku soo gabo-gaboobay is afgarad iyo sidii adeega caafimaadka dalka meel looga soo wada jeedi lahaa guud ahaan dawlada iyo xarumaha gaarka loo leeyahayba.

Maxaa Laga Ogyahay Xumadda Dengue?

Xumadda ama Qandhada Dengue waa cudur ay kaneecadu keento, waxaanu inta badan ka dillaacaa Dhulka Kulaylka ama haddii aynu si kale u dhigno Waddamada dunida ee ku yaalla Dhul-badhaha ama kuwa ku yaalla Kulaylaha Woqooyi iyo Kulaylaha Koonfureed. Xannuunkani kuma badna dhulka qabowga ah. Qandhada Dengue marka ay meel-dhexaadka tahay, waxa ay sababtaa xumad xoog ah iyo calaamado kuwa hargabka oo kale ah. Balse waxa jira marka ay sii xoogaysato Xumaddani oo loo yaqaano Hemorrhagic Fever (Xumadda Dhiig-baxa), waxay sababtaa dhiig-bax daran, hoos u dhac degdeg ah oo ku yimaadda Cadaadiska Dhiigga iyo xataa Dhimasho. Astaamaha nooca dambe ee xannuunkan waxa lagu arkay magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland oo Dad isugu jira waayeel iyo Dhalinyaroba ugu geeriyoodeen, kaddib markii Afka iyo Sanka Dhiig ka yimi.

Sannad kasta waxa dunida ka dhaca malaayiin xaaladood oo ah caabuqa Dengue, waxaanay xumaddani ku badan tahay dalalka Koonfur-bari ee Qaaradda Eeshiya, Galbeedka Jasiiradaha ku yaalla bad-weynta Pacific, dalalka Latin America iyo qaarkaad Afrika. Haseyeeshee, sannadihii u dambeeyey waxa uu xannuunku ku sii fiday meelo cusub oo ka mid ah qaaradaha Yurub iyo Koonfurta dalka Mareykanka.

Ilaa hadda ma jiro tallaal u gaar ah xannuunkan, balse khubarada caafimaadka adduunku wali way ku hawlan yihiin tallaalka xumadda Dengue. Xalka kaliya ee wakhtigan loo hayo ama meelaha xilligan ay ku badan tahay qandhada Dengue, siyaabaha ugu fiican ee looga hortagi karo xannuunka, ayaa ah in laga hortago qaniinyada kaneecada iyo in la qaado tallaabooyin lagula dagaalamayo taranka kaneecada.

Waxyaabaha la sameeyo si aad dhakhso uga soo kabato qandhada Dengue

1.Ilaali fuuq-bax. Cab cabitaanno badan (biyo, cabitaan (isotonic), casiirka khudradda iyo maraq) si aad u ilaaliso tamarta iyo awooddu in ay kaa lumaan oo aad fuuq-baxdo.

2.Xakamaynta calaamadaha. Xumadda iyo kala goysyada xanuunka waxaa lagu nafisi karaa qaadashada paracetamol.

3.Iska ilaali dhiig baxa.

4.Cuntooyinka la cuno oo aan laga fogaan.

Waa maxay Afarta marxaladood ee qandhada Dengue?

5.Dengue wuxuu si lama filaan ah u bilaabmaa kaddib xilliga soo-baxa caadiga ah ee 5-7 maalmood, wuxuuna yeeshaa 3 weji: qandho, halis ah, iyo bogsasho.

Waa maxay daawaynta hadda ee Fyaraska Dengue?

Ma jiraan dawooyin gaar ah oo ka hortag ah oo lagu daweeyo caabuqa Dengue?

Ilaa hadda ma jiraan dawooyin lagaga hortago, balse Acetaminophen ama paracetamol ayaa la qaadan karaa si loo xakameeyo xanuunka murqaha, xanuunka, iyo qandhada. Daawooyinka aan steroidal-ka ahayn ee ka hortagga bararka sida ibuprofen iyo aspirin waa in laga fogaadaa.

Bukaanjiifka cisbitaalka la seexiyay waa in si dhow loola scdaa oo si taxadar leh loo maareeyo qaadashada dheecaankooda, iyadoo la raacayo habraacyo adag. Waddamada laga heli karo ogaanshaha hore iyo daryeelka caafimaadka, heerka dhimashada Dengue ayaa hoos uga dhacay 1%, halka kuwa daryeelkooda caafimaad hooseeyo ay dhimashadu sare u kacday.

Ma jiro Tallaal rasmi ah, balse waxa jira ilaa xilligan Tallaalka hadda la heli karo oo ku xaddidan dadka da’doodu u dhaxayso 9-45 jir ee ugu yaraan hal dhacdo oo hore ugu dhacay caabuqa fayraska dengue, balse waxa dhowaan la qiimayaana dhawr tallaal oo kale si loogaa hortago halista Dengeu.

Marka aannu bukaanadu lahayn doorasho waxyaabaha ku haboon iyo daryeel caafimaad, waxa uu waajahayaa khatarta ah inay dadku ku dhacaan Dengue xun, kaas oo suurtagal ah in ay u dhintaan.

Maxaa daawaynta cusub ee dengue loo baahan yahay?

Daawaynta gaarka ah ee Dengue ayaa loo baahan yahay si loo daweeyo cudurka marxalado kala duwan iyo in la yareeyo khatarta infekshanku u gudbo cudur daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here