“Dowladda Waxa Ka Go’an Siyaasadaha iyo Xeerarka Lagu Joojinayo Gudniinka Hablaha”

0
457

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, ayaa waxaa ay maanta magaala Hargeysa ku qabatay shirka wadatashiga, joojinta gudniinka hablaha.

Waxaana shirka ka qayb galay xubno ka mida Golaha Wasiirrada uuna Xildhibaano ka socda golaha Wakiillada, ururada haweenka, Hay’addaha maxaliga ah iyo daneeyayaal kale.

Shirkan, ayaa waxaa dhamaanba lagu dul istaagay dhibaatada caafmaad, nololeed, mustaqbal iyo biniaadannimo ee uu leeyahay gudniinka habluhu.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-Galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan oo shirkan hadal ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga waramay ujeedka kulanka iyo dhibaatada gudniinka hablaha iyo qorsha ay ka wasaarad ahaan ka leeyihiin.

Waxaanu sheegay in kulankan lagu dardargalinayo ansixinta siyaasadda Gudniinka Fircooniga iyo qaadashada aragti Qaran oo midaysan, isagoona xusay in ansaxinta siyaasadda Gudniinka Fircoonigu marayo marxaladdii ugu dambaysay.

Waxaa kale oo uu agaasime Axmed Xasan Aw Aadan, sheegay in ay ka wasaarad ahaan ay bilaabeen xeerarkii gudniinka lagu joojinayay islamarkaana ay xukuumadda ka go’an tahay xeerarka lagu joojinayo gudniinka hablaha.

Ugu dambayntii, waxaa laysla waafaqay inay caadadani aanay sal iyo raad toona ku lahayn diinteena suuban, iyo dhamaanba axaadiisteena ayna tahay caado dhaqameed waa hore laga soo gudbay, umaduna la dhiban tahay cawaaqibkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here