Wasiirka Dastuurka oo La Kulmay Maamulka Xarunta Tababarada Dastuurka

0
436

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay maamulka Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda.


Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxaa kulankaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf, iyo la taliyayaal iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda.

Waxana kulankaasi intii uu socday waxa lagaga wada hadlay waxyaalihii u qabsoomay xarunta.

Caqabadihii ka hor yimi iyo sidii hawlaha shaqo ee xarunta halkaa uga sii socon lahayeen.

Dhanka kale waxa kulanka lagu soo bandhigay Astaamaha Qaranka iyadoona la isla qaatay in Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawlada laga saxo adeegsiga Astaamaha Qaranka.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo kulanka soo xidhay ayaa maamulka Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda uga mahadnaqay hawlaha shaqo ee ay xarunta ka wadaan.

Waxaanu ku bogaadiyey Shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan .

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here