Xukumadda iyo Xisbigeeda Oo Madaxtooyada Ku Kulmay, Kuna Shaaciyay Mawqifkooda Doorashada

0
1028

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hogaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa maanta Shirkii wasiirada ee Khamiislaha ahaa la hor tagay Mawqifkooda doorashada oo u muuqda in Mucaaradka loogu jawaabayo, kaasi oo tiir dhexaad looga dhigay in haddii doorashadu dib u dhacdo Xukumaddisii shaqaynayso.

Waxaa lagu sheegay in Xukumaddu wixii kaga beegnaa Doorashada qabatay islamarkaana aanay lahayn Masuuliiyadda dib u dhicista Doorashada, hawsha doorashaduna Komishanka u taalo.

War Saxaafaddeedka Mawqifka Xukumadda iyo Xisbigeedu Madaxtooyada iskula naaqisheen Madaxweynahana la hor dhigay waxa uu u dhignaa sidan:-

“Waxa inoo  farxada inaan maanta halkan ku kulano oo cidwalba u cadayno mowqifka xisbigeena ee doorashooyinka.

 

Dimuraadiyadu waji gaar ah ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa , sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

 

Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimuqraadiyada ee faa iidada inno leh. Laba kamida tiirarkaasi waa:-

 

1. In golayaasha qaranka iyo Dawladaha hoose ku yimaadaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hogaansanaadaan rabitaanka codbixiyeyaasha

 

2. In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii

 

Hadaba xisbiga iyo xukuumadu, gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimahaa ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aadanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa sadex qodob.

1. Dhamaystir sharci

2. Magacaabida GDQ

3. Dhaqaale

 

Intaa waxaa dheer in madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargarowga doorashooyinka (latter of commitment) 17/11/2013.

 

Waxaa hubaal ah in madaxweynaha ka gudbeen qodabadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xanibmeen xafiiska gudoomiyaha wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta sadexda qodob.

 

Mawqifka kulmiye

 

1.  In komishanku leeyahay awooda wakhtiga doorashada la qabanayo

2. In kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo

3. Hadii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keliya ayaa la gudboon, kuwaasi oo kala ah.

 

maxaa innaga khaldamay? iyo sidee ugu fiican ee doorashada u qabsanaa, labadaana waxaa loo raacayaa sharciga, midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cidkasta oo dood qabtaa waa in aanay ka bixin xayndaabka  sharciga

 

Hadiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku, waxa ay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u degen.

 

Xisbiga kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo  baanisuhu yihiin dabeecadaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxa iyana ka mid ah dhaqanka dimuqraadiyadda in isu caqli celin iyo isqancin lagu gaadho talo la isla qaato.

 

waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynayo hawlaha qarankan naf iyo maalba loo soo huray .

 

Muj. Muuse Biixi Cabdi

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Xukumadda-iyo-Xisbigeeda-Oo-Madaxtooyada-Ku-Kulmay-Kuna-Shaaciyay-Mawqifkooda-Doorashada.html#sthash.vZna4X6N.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here