Xubno Si Wada Jir Ah U Shaaciyey Inay U Sharaxan Yihiin Jagooyinka Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland

0
920

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa maanta si rasmiya u shaaciyay inay si wada jir ah u yihiin musharaxiin u tartami doona jagooyinka sarre ee xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland, oo dhawaan doorashadeedu ka qabsoomi doonto caasimadda Hargeysa.

 

Xubnahan oo afar ah ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiska xidhiidhada ciyaara kala duwan ee Somaliland kaga dhawaaqay inay si wada jir ah ugu tartami doonaan jagooyinka masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inay ka go’an tahay inay wax baddan ka qabtaan marxaladda maanta ee ciyaaraha fudud ee dalku ku sugan tahay wakhti xaadirkan, sidoo kalena aqoontooda ciyaaraha fudud iyo waayo arragnimadooda ay ku midoobeen.

 

Ugu horeyn waxaa musharixiintan u hadlay Mustafe Cabdi Xaddi (Diyaara), oo ah Xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaanu maanta si wada jir ah u go’aansanay inaan ku dhawaaqno inaanu u tartamayno jagooyinka Guddoomiyaha, Guddoomiye Xigeenka koowaad, Guddoomiye Xigeenka labaad iyo Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland, kadib markii aanu wada-tashi iyo tix-gelin baddan aanu sameynay.

xubno

Waxaan ku kalsoonahay waayo arragnimadayada, khibradayada iyo aqoontayada inaanu isticmaalno oo aanu ku dedaalno annaga oo iskaashanayna inaan hoos u dhaca ku yimid ciyaaraha fudud aan meel sarre gaadhsiino, haddii Alle nagu guuleeyo inaan hogaamino xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland” ayuu yidhi.

 

Mustafe Diyaaraha ayaa hadalkiisii sii raaciyey “Xubnahayagani waxaanu diyaarsanay qorsheyaashaya lagu horumarin karo ciyaaraha fudud, waxaanu dhawaan soo ban-dhigi doonaa Buug aanu ku soo uruurinay ajandahayaga iyo qorsheyaashaa aanu doonayno inaan ku hogaamino xidhiidhka ciyaaraha fudud”.

 

Iyada oo 24-ka bishan July ay doorashadda xidhiidhka ciyaaraha fudud qabsoomi doonto, ayaa xubnahan afarta ah oo ahaan jiray orod yahano wakhtiyadii kala dambeeyay soo maray Somaliland, ayaa xubnahan magacyadooda iyo jagooyinka ay u kala sharaxan yihiin ay kala yihiin:

 

Mustafe Cabdi Xaddi (Diyaara) – Guddoomiye

Safiya Cabdilaahi Ibraahim – Guddoomiye Xigeenka 1-aad

Axmed Koosaar Xuseen (Juujuule) – Guddoomiye Xigeenka 2-aad

Maxamed Xasan Nageeye (Banay) – Xoghayahe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here