Xorriyatul qawlku, waa mid ka mid ah astaamaha lagu qiimeeyo Dawladi inay Dimuquraadi tahay By: Samia Muse

0
968

Aniga o Ah Samia Muse Waxaan videogan si adag ogu canbaareynaya Xukumada Somaliland gaarahan Wasiir Kuxigeenka Warshadaha Mudane Cali Dhegoole o wararku ay sheegeen ino ka danbeeyay xadhiga dhalinyartan lagu haysto xaqdarada muddo 4 cisho ah.

 
Ururka Muafaqo waa Urur Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Saaxil ay si wada jira o furteen taasina ay tahay xaq o muadin kasta ah oo reer Somaliland xaq o leeyahay , Dareenka ay kaga dhiibteen Wareejinta amma Maalgashiga Dekkada Berberana taasina waa fikir xor ah o muadin kasta xaq o leeyahay .

 

 

 

Halkan hoose ka Daawo

 

Geeley kun medableey
Doqon baan ku garanine
Kugu daal abwaano
Dibnihiisa kaa xidhay

Hadba kii dan kaa lihi
Kugu doon wuxu rabo
Ninka dookha caashaqa
Laabtiisa oo dagay
Dareenkiisa kugu sheeg

Marbaad daawa noqotaa
Dadka nabad ku beertaa
Samahana la daristaa
Danbas hoos ka nool 
Marbaad tahay dabyeeradan
Dalku o ku baaba’o

Anna dooda maansadaydu 
Dacwadaydu waa talo
Waa dardaaran Gobonimo
Digniin weeyaan Qaranimo
Waa doorka nabadeed

Duul weerar kuma ihi
Daandaasi uma curin
Dana gaara kama lihi
Dadka waan u simanahay
Hogaan daacadeed iyo 
Dalka noo hagaagiyo 
Dawlada baan o ahay Sahan !

 

 

Samia Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here