Xisbulaahi Oo Soo Riday Diyaarad Israel Leedahay

0
513

Beirut  (Hargeisa Press): Dagaalyahannada kooxda xisbullaah ayaa gantaal la beegsaday diyaarad Drone ah oo ay leedahay dawladda Isreal.

Iyagoo ku khasbay diyaaradaasi inay si deg-degga ah uga baxdo hawada dalka Lebanon.

War ay Khamiistan maanta soo saareen ururka Xisbullaah  ayaa lagu sheegay in Xisbulaah ay beegsadeen diyaaradda Drone-ka ah ee Israel leedahay.

Xisbullaah ayaa warkan soo saaray, wax yar uun kadib markii millateriga Israel sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah lala beegsaday Gantaal Lidka diyaaradaha ah.

Laakiin, Gantaalkaasi aanu wax dhibaato ah gaadhsiinin diyaaradda.

Weerarka diyaaradda ayaa kor u sii qaadaya xur-gufta u dhaxaysa Israel iyo Xisbullaah oo soo jirtay tobannaan sanadood. Sida uu sheegayo wargeyska The National,  oo ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta.

Milateriga Israel ayaa  boggooda Twitter-ka ku soo qoreen war qoraal ah oo kooban, kaasoo ay kaga hadleen diyaarad ay Xisbulaahi sheegeen in ay ka soo rideen.

“Wax yar ka hor, Gantaal Lidka diyaaradaha ah ayaa laga soo riday gudaha Xuduudka Lubnaan, kaasi oo ku waajahnaa Diyaarad Israel leedahay oo ah UAV, kuma dhicin diyaaradda UAV” ayay sheegeen Millateriga Isreal. Laakiin, ma bixin faahfaahin intaa ka badan.

Geesta kale Wakaaladda Wararka ee Laban ayaa iyaduna baahisay in Qarax laga maqlay deegaanka Nabatieh.

Dad halkaa deggan oo Warbaahinta Maxaliga ah ee Lubnaan arrintan wax ka waydiisayna waxay sheegeen inay maqlayeen guuxa diyaaradda Isreal oo dushooda duulaysay.

Inkastoo Millateriga Isreal sheegay in gantaalku aanu ku dhicin diyaaraddooda, haddana Telefiishanka Al Mayadeen TV oo Xisbullaah xidhiidh la leh ayaa sheegay in la soo riday diyaaradda Isreal ee Drone-ka ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here