IGAD: Duufaan Ku Soo Waajahan Somaliland iyo Puntland

0
1397

Addis Ababa (Hargeisa Press): Sida ay sheegayaan warbixinada ka imanaya qaybta la socodka saadaasha hawad ee Urur gobolleedka IGAD ayaa sheegay in duufaanta loogu magac daray KYARR ay ku sii kordhayso waqooyiga badda India.

Taasoo la filayo inay afarta maalmood ama 5-ta maalmood ee soo socda ay soo gaadho xeebaha Puntland iyo Somaliland.

Waxaana meelahaasi suuragal ka ah inay saameeyaan roob yar oo dabaylo xoogle wata, sida ay sheegayaan khuburrada Saadaasha Hawada ee IGAD.

Geesta kale shalay ayay ahayd markii hay’adda u diyaar-garowga masiibooyinka dabiiciga ah ee Somaliland ay ka digtay duufaan ku soo waajahan xeebaha Somaliland iyo inay ka digtoonaadaan dadka deggan xeebuhu.

Sida uu  sheegay Maareeyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland, Faysal Cali Sheekh oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

Waxaanu yidhi “Waxa jira Duufaano Xooggan oo ka soo kacay Waqooyiga Bad-weynta Hindiya, duufaannadaa oo derajadooda illaa 4 lagu tilmaamay.

Waxay saamayntoodu illaa hadda ka bilaabantay Xeebaha Cumaan, waxaana la filayaa inay u soo gudbaan dhinaca Xeebaha Somaliland, gaar ahaan Laasqoray, Maydh, Xiis, Onqor, Berbera, Bulloxaar, Ceel Sheekh, inay halkaa soo gaadho ayaa la filayaa, Ilaahay og”.

Waxaanu intaas raaciyay “Laakiin, waajibaadka na saarani waa inaanu Ummadda uga digno Wakhti ka hor, markaa waxaanu jecelahay inaanu Dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan Dadka ku nool deegaannadaasi inay ka digtoonaadaan”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.

Maareeyuhu wuxuu farriin u diray Kalluumaysatada, waxaanu yidhi  “Waxaanu uga digaynaa Kalluumaysatada reer Somaliland ee deegaannadaa ee hadda ku jira badda inay ka soo baxaan.

Kuwa doonaya inay hadda galaana inay ka joogsadaan, Doonyaha iyo Maraakiibta Shixnadaha qaadana waanu uga digaynaa”.

Dhinaca kale Somaliland  waxa hore ugu dhufatay duufaanta Sagar oo khasaare badan ka gaysatay Xeebaha Galbeedka Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here