Xisbiga Waddani oo Ku Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo Arrinta Ardaygii Lagu Dilay Boorama

0
1192

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si adag uga hadlay dilkii magaalada Boorama shalay loogu gaystay Wiil dhalinyaro ahaa oo waxka baranayay jaamacada Camuud.

Xisbiga Waddani, ayaana waxaa uu ku baaqay in baadhis lagu sameeyo arrinta ardayga lagu dilay magaalada Boorama.

Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo baadhista dilka ardayga, islamarkaana maxkamada la horkeeno askarigii dilka u gaystay.

Sidoo kale, xoghayaha arrimaha Gudaha ee Waddani, ayaa Ciidamada booliska Somaliland ugu baaqay in laga taxadaro in arrintan oo kale markale dhacdo.

Ardaygan oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa oo ku jiray sanadkii labaad ee Kuliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda Camuud, ayaa waxaa toogtay askari ilaalo ka ahaa jaamacadda kaddib markii sida la sheegay ay murmeen ardayga dhintay iyo askarigu.

Maamulka gobolka Awdal, ayaa beeniyey warar la isla dhex marayay oo sheegayay in ardaygaas loo toogtay in uu xidhnaa calanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here