Xisbiga UCID Oo Munaasibad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyey Taageerayaal Ku Soo Biiray

0
847

ucid ku soo biirayHargeysa,(HargeisaPress) — Xisbgia Mucaaradka ah ee UCID ayaa munaasibad soo dhaweyn ah u sameeyey taageerayaal aad u tira badan oo ku soo biiray Xisbgia UCID,kuwaasi oo ka soo diga rogtay Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE. Munaasibadan so dhawaynta ah oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe,Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Cali Gurey,Taageerayaaasha ku so biiray Xisbiga iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan. Munaasibadan oo ahayd mid gabi ahaanba ay ilyartu isqabatay oo taageerayaasha usoo diga rogtay ay si xooga u soo buux dhaafiyeen Hoolka wayn ee Maansoor ayaa waxaa halkaasi ugu horayn ka hadlay qaar kamid ah Masuuliyiin kala duwan iyo dhaliyo kuwaasi oo ahaa ku wii halbawlaha u ahaa qabsoomida iyo soo qabanqaabinta munaasibadan,waxaana ay dhamaantoodba sheegeen in ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan Xisbiga UCID,iyaga oo dhamaantoodba carabka ku adkeeyey in ay iska qoomamaynayaan codkii ay hore u siiyeen Xisbiga Muxaafadka ah KULMIYE,waxaa sida oo kale ay tibaaxeen in ay taageeradan kaga midaysan yihiin iyaga iyo beeshooda sida ay udhantahayba in ay Xibiga UCID ay si hagar la’aan ah ay codka isula barbar istaagaan. Eng:Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn u mahad caliyey ku soo biiritaankooda Xisbiga UCID,waxaana uu sheegay in ay horeba ay u rajaynaayeen in ay ku soo biiraan Xisbiga UCID maantana ay si aada u so dhawaynayaan in ay ku soo biireen dadka ka soo jeeda deegaanka Dagamada Fara-Weyne oo dhan. “Aniga reer Somaliland waa ii beel qudha,markaa beel idin ku sheegi maayee,waxaan leeyahay dagmada fara-weyne oo aan idin ku sheegi,dee horta waanu idin sugaynay oo aanu idin saadalinaynay ee Illaahay ma idin keenay,waxaanan Illaahay ugu mahad naqayaa waxaad tihiin ileyn wanaaga waa loo dheereeyaayoo dadkii u soo horeeyey ayaad tihiin,Xisbigan UCID markii aanu samaynay 2001-dii ee aanu u bixinay Ururka cadaalada iyo daryeelka,Kalmad caqiibo leh ayaa Illaahay meesha ka soo saaray oo ah UCID Somaliland yaa ucidaay,deedna waxaa ay noqotay UCID ayaa u cidaay,dhawr jeer oo Somaliland mugdi ay gashayna Illaahay cidbaa uu uga soo dhigay,waxaanan ka saarnay mugdi oo waanu u soo gurmanay,waanan hambalyey naynaa inan Dhakhtarka ah ee aad noo keenteen”. Mujaahid Cali Gurey oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isna dhankiisa si aada u soo dhaweeyey taagerayaashan aadka u tirada badan ee u soo diga rogtay Xisbiga UCID,waxaana tilmamay in uu si kal iyo laaba uu ugu soo dhaweynaayo Xisbiga UCID. Ugu danbeyntii waxaa munaasibadaasi soo afmeeray Musharax Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xusseen waxaana uu yidhi. “Waxaa sharaf  u ah Xisbiga UCID in uu madashan quruxda badan ee qaayaha leh ee Odayaasha,Haweenka iyo dhalinyarada ay isugu yimaadeen in aan ku soo dhawayno oo Saldanadii oo furaysa ama xadhiga ka jaraysa,Xildhibaankoodii ugu horeeyey ee Baarlamaanka oo ka sharaxaysa Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka,waana madal aad iyo aad u qurux badan oo Xisbiga UCID uu ku kasbaday taageerayaal aad u fara  badan”Ayuu yidhi Murasha Madaxweynaha Xisbiga UCID. Hargeisa Press News Desk — Hargeysa hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here