Somaliland oo sheegtay in doorashadii Galeydh aanay saameyn ku yeelanayn

0
1070

xaflada qurba jooga 3Hargeysa,(HargeisaPress) — Xukumadda Somaliland ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameysay qurbo-joogta Somaliland ee iskaga timid daafaha caalamka oo sanadkan ay dalka yimaadeen qurbojoogiti ugu badnayd ee aduunka ka kala timid.

Munaasabaddan waxaa kasoo qayb-galay shir-guddoonka golaha wakiillada, wasiirro, Hogaanka Kulmiye iyo Qurbejoog tiradooda lagu sheegay ilaa 3000, waxaana dhamaan masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa qurbojoogta ku amaanay kaalinta ay ka qaadateen horumarka dalka iyo soo dhaweynta madaxda mararka ay dalalkoodda booqdaan.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi heeso lala dhacay ku soo bandhigay fanaaniin reer Jabuuti ah iyo fanaaniin reer Jig jiga ah kuwaas oo heesso madadaalo ah ku raali galiyey qurbojoogta.

Dhinaca kale, waxa munaasibadan si weyn uga hadlay wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye , kaas oo soo hadal qaaday madaxweynenimadda loo doortay Cali Khaliif Galaydh.

“Somaliland waa dal lawada leeyahay waa dal aanu leenahay,waa dal aynu u baahanahay oo danteenu ay ku jirto,waxaana muhiim ah qofku hadduu caqli leeyahay oo uu wax isku dayo oo waxii uu arko in aan dantu ku jirin in uu ka gudbo waan ka xumahay Cali Khaliif in uu arrintaa mar labaad uu ku celiyey sidii tii shalay ay u shaqayn wayday baa tanina aanay u shaqaynaynin dadka yaan la lugooynin,Cali khaliif iyo inta kale ee doonaysa haday daacad ka tahay in ay dadka dantiisa ka shaqeeyaan Xukumada Somaliland hadaanu nahay waanu soo dhawaynaynaa wada hadal wada tashi wax wada qabsi wax wada lahaansho ayeynu doonaynaa insha Allaah”Ayuu yidhi Dr:Saleebaan Ciise Axmed Xagla-Toosiye oo la hadlayey Cali Khaliif Galaydh.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Ciise Axmed waxa uu eedeen usoo jeediyey dawladda Soomaaliya oo uu sheegay inay farogalin ku hayso goboladda Bariga Somaliland, waxaanu yidhi “Dawlada Somaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxda ka yahay ha ka dayso fara galinta ay ku wado dalka Somaliland,waxa weeye runta marka la doonayo faro galinta ugu wayn iyaga ayaa wada,Wasiiro ayaa hambalyeynaayey,waa arrin aad looga naxo iyada oo wada hadal socdo in ay dhinacana ay midi ka wado oo ay dadka lugaha goynayso oo madaxa goynayso,wax loo dul qaadan karo maaha,deegaanka anaga ayaa ka soo jeedna anaga yaa u siyaasiyiin ah ma ogalin cid qas keenta iyo cid nabad galyo darro abuurta ma ogalaanayno beesha caalamkana waxaan u sheegaynaa iyo cid kasta oo lug ku leh in ay qas ka abuurto Somaliland waxaan ka codsanaynaa in ay faraha dib ugala laabtaan”

“Beesha caalamkana waxaa aanu ka codsanaynaa in aanay dhagaysan wax ay shakhsiyaad gaar ahi ay meesha ku dhoob dhoobeen oo aan dadku taageer sanayn,waxaanan u sheegayna in aan arrintaasi ahayn arrin talo iyo arrin talada qabiilka ku timi ee ay tahay arrin ujeed kale leh oo dibada lagaga keenay “Ayuu raaciyey hadalkiisa

Sidoo kale waxa uu sheegay Saleebaan Xaglo Toosiye in wakhtigii uu gudoomiyaha jabhaddii SSC uu ahaa uu Cali Khaliif ka soo horjeeday, isla markana uu mucaarad ku ahaa, waxaanu ugu baaqay in aanu deegaanadaasi dhibaato ku abuurin.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here