Xisbiga UCID Oo Dacwad Ka Gudbiyey Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE+Sababta

0
1060

Hargeysa, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa goordhawayd guddiga komishanka Qaranka Somaliland u gudbiyey dacwad ka dhan ah xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo ay ku eedeeyey inay jabiyeen xeerkii anshaxa ee qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Masuuliyiintani sidoo kale waxay fariin adag u direen gudoomiyaha guddiga Komishanka Qaranka Somaliland,iyaga oo ku goodiyey inay qalabkooda iyo shaqaalaha joogaba kasoo kaxaysanayaan labada gobol ee ay ka socoto qaybinta kaadhadhka codbixiyayaashu hadii si deg deg ah wax looga qaban waayo.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here