Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Guddiyada Soo Xulida Murashaxiinta Iyo Xalinta Khilaafyada Murashaxiinta Ee Wakiiladda Iyo Deegaanka

0
1004

Hargeysa (HargeisaPress)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen (Axmed C/dheere) ayaa magacaabay sadex guddi oo xisbiga KULMIYE u xil saaray soo xulista murashixiinta golayaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Degmo Doorashooyinka goboladda dalka iyo gudiga heer Qaran ee maaraynta Khilaafaadka murashixiinta goboladda iyo Degmooyinka.

Sidaasina waxaa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexanyahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed C/dheere) kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Wararka ee HargeisaPress ayaa u dhignaa sidan.

Aniga oo tix raacaya go’aankii gudiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE ee la xidhiidhay magacaabista xubnaha soo xulaya murashixiinta Golayasha Wakiilada iyo Deegaanka uga tartamaaya Xisbiga Kulmiye Gobolada iyo Degmooyinka dalka, markaan la tashaday madaxda kale ee xisbiga waxaan magacaabay gudiyadan.

Guddida soo xulista iyo diyaarinta murrashaxiinta Golaha Wakiillada iyo Deegaannada ee Gobollada Togdheer, Sool, Sanaag iyo Degmo Doorashooyinka hoos yimaada waxa ay kala yihiin.

1.    Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye.

2.   Jaamac Xaaji Maxamud Cigaal Guddoomiye ku xigeen.

3.   Yuusuf Mire Maxamed Xoghaye

4.   Yaasiin Maxamud Xiir

5.   Mustafe Cali Bile

6.   Cumar Cali Bade

7.   Siciid Sulub Maxamed

8.   Saleebaan Warsame Guuleed

9.   Saleebaan Cabdi C/laahi (Deerag)

10.                Axmed Nuur Faahiye

11. Ismaaciil Xalane Daahir

12.                Nasra Maxamed yuusuf

13.                Xaawa Maxamud Maxamed

14.                Cali Xasan Maxamed.

Guddida soo xulista iyo diyaarinta murrashaxiinta Golaha Wakiilada iyo degaamada hoos yimaada ee Gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil waxa ay kala yihiin.

1.    Maxamud Xasan Sacad Guddoomiye

2.   Maxamed Muuse Diiriye Guddoomiye ku xigeen

3.   C/raxmaan Cismaan Caalin Xoghaye

4.   C/qani Maxamud Caateye

5.   Axmed Muumin Seed

6.   C/weli Sheekh C/laahi Suufi

7.   C/casiis Maxamed Samaale

8.   Maxamed Axmed Maxamud (Cawad)

9.   Axmed Xasan Aadan

10.                C/laahi abokor Cismaan

11. Maxamed C/laahi Cabsiiye

12.                Maxamed Xaaji Aadan Cilmi

13.                Maxamud Ibraahin Maxamed

14.                Nasra Maxamed C/laahi

15.                Aamina Cilmi Fariid

Guddida heer qaran ee Maaraynta Khilaafyada murrashaxiinta gobollada iyo degmooyinka waxa ay kala yihiin

1.    Axmed Cabdi Xuseen

2.   Axmed Faarax Cadare

3.   C/kariin Axmed Maxamed

4.   Saleebaan Yuusuf Cali Koore

5.   Liibaan Yuusuf Cismaan

6.   Cumar Cali C/laahi

7.   Sahra Saleebaan Cawil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here