Soomaaliya Oo Ku Gacan Saydhay Warbixinta Guddiga Jabuuti Ee Xiisadda Kenya

0
476

Muqdisho (HP): Dawladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay warbixinta guddigii reer Jabuuti ee loo xilsaaray in ay soo baaraan tabashada Soomaaliya ee kaga cabaneysay Kenya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warbixintii ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta dowladda Jabuuti u xil saartay baaritaanada ku aadan waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii guddii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u xil saaray xaqiiqo raadinta khilaafka ay howshooda soo gabagabeeyeen.

Shirkii urur Goboleedka IGAD ee bishii December ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa madaxweyne Geelle loogu xil-saaray in uu ka shaqeeyo dib u dajinta xasaradda labada waddan ee dariska ah.

 

DAAWO: SHIRKA JARAA’ID EE WASIIR DUBBE:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here