Xisbiga Kulmiye Dhamaystirka Hawlaha Horumarinayd Ee Qaranka.Qalinkii: Naazer Awad Mouse Dooyo

0
823

Muddadii uu xisbiga Midnimada iyo horumarka ee Kulmiye hayay talada dalka waxa lagu guulaystay horumar badan oo dhinacyo badan taabanaaya, sida waddooyinka, dhismayaal casriya oo loo bineeyay xarumaha dawladda ee kala duwan, Tayeenta  iyo kor u qaadida qalabka ciidama qaranka JSL iyo bixinta darajooyinka kala duwan ee ciidamada qaranka.

 

Waxa la tayeeyay dhamaan haa’yadaha dalka iyadoo laga dhisay dhinacyada aqoonta, xafiisyada dawladda oo loo agaasimay heer sare, dhismayaasha wasaaradaha iyo xarumaha kale ee dawladda ayaa ah kuwo laga bineeyay dhismayaal casriya.

 

Xukuumadda Kulmiye waxa ay ku guulaystayn kor u qaadida dakhliga dawladda iyo miisaaniyada qaranka, guud ahaan, waxa kordhay mushaharaadkii dawladda 100%, waxa kordhay shaqaalihii dawladda 100%, waxa kordhay hab dhaqaalihii bulsho ee dalka, waxa soo kordhay adeegyo kala duwan oo aan hore dalka looga isticmaali jirin adeegyadaa waxa ka mid ah, adeegyada teknoolagiga sida 4G++, adeegyada Fiber optic loo yaqaan ee isticmaalka Internetka, waxa kale oo soo kordhay dhanka bulshada ganacsiyo xoog leh oo qayb ka noqonaaya horumarka dalka ka socda.

 

Adeegyada ganacsi waxa ka mid ah adeegyada gawaadhida ganacsi ee u kala gooshaaya Bari ilaa Galbayd, oo qiimo jaban ugu adeegaaya bulshada qaybaheeda kala duwan, waxa kordhay tiradii wax barasho ee dalka sida Jaamacadaha iyo iskuulada gaarka loo leeyahay.

 

Xaukuumadda Kulmiye oo la’timid fir fircooni dheeri ah iyo hanaan casriya oo dublamaasiyadeed ayaa la’odhankaraa waxa ay dalka gaadhsiiyeen hanaan horumarinayd oo la taaban karo.

Dhamaystirka Horumarka Dalka Ka Socda…..

Si loo sii anbo’ qaado horumarkaa dalka ka socda bulshadu waa in codkooda ugu hiiliyaan Xisbiga Midnimada iyo horumarka Kulmiye si loo dhmaystiro qabyada horumarka socda.

 

NB: Looma baahna xisbi cusub ama xukuumad cusub oo ka soo bilawda ZERO, ama ku jahawareerta hanaanka maamul ee horumarinayd ee u dajisan maanta xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa.

 

Musharaxa Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbiga waa siyaasi bisil oo maanta badalikaraaya madaxweyne Axmed Siilaanyo, kana sii anba qaadi kara horumarkaa uu dalka gaadhsiiyay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Qalinkii: Naazer Awad Mouse Dooyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here