Xildhibaanadii Reer Awdal ee ka soo horjeestay Moshinkii ladoonayey in lagu Rido Gudoomiye Cirro-Oo ka warramay sababtii ay Go’aankaasi u qaateen daqiiqadihii ugu dambeeyey

0
1154

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xildhibaanada ka soo jeeda Gobal-lada –Awdal iyo Salal ayaa todobaadkii hore is hortaagay olole lagu doonayey in lagu rido Godoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Caabdillaahi [Cirro] kaasoo buuq iyo rabshado kariday magaalooyinka Somaliland qaarkamida.

Tan iyo intuu socday ololihii ka dhanka –ahaa Gudoomiye Cirro hadana dhanka kale waxaa socday dadaalo kale oo iyaguna garab cararayey kuwaas oo ka soo horjeeday in Gudoomiyaha Moshinkaa lagu rido waxaana firkirka noocasi ah dabada ka riixayey Raxan xildhibaanada Waddai taageersan kamida hasa yeeshee hadii aanay garab ka heli lahayn mudanayaal kamida mudii ay fikirka iskaga soo horjeedaan ee taabacsanaa Xisbiga kulmiye gaar ahaan mudanayaasha Reer Awdal oo iyagu si lama filaan ah uga baxay fikirkoodii hore –ee ahaa in larido Gudoomiye Cirro,kuwaasoo si weyn oo aan la qisaasi Karin uga farxiyey Gudoomiye Cirro iyo taageerayaashiisii kaladuwanaa ee dalka iyo dibadiisa kalajoogay.

Waxaanay kabixidooda ololihii Cirro ka dhanka –ahaa daaqad ku noqday Garabkii kale ee Mudanayaashii xisbiga Kulmiye kuwaasoo uu ka bixitaanka Mudanayaasha reer Awdal ee Ololehaasi dhabarka ka jabiyey Garabkii u xuslduubayey in meesha laga saaro Gudoomiye Cirro.

AWDALMPS2

Waxaanay dadka samaha Somaliland jecel gaar-ahaan Xisbiga Waddani – iyo taageerayaashiisa neeftu ka soo booday markii ay daqiiqadihii ugu dameeyey ee isku daygii Crro xilka looga qaadayey saqdii dhexe ee habeenimo markaliya dhanka kale iska rogeen Mudanayaasha Reer Awdal kuwaasoo shir-jaraa’id kuqabtay subaxdii sabtidii hore ee loo balan sanaa in Gudoomiyaha Golaha wakiilada cod lagu muquuniyo iyaga oo diidmadooda –arrintaa ku sheegay shir’jaraa’id oo ay ku qabteen Hotelka Imperial ee magaalada Hargeysa kuna shaaciyey inay ka bexeen ololihii ka dhanka –ahaa Gudoomiye Cirro isla markaana –aanu ololahaasi sharci ahayn.

 

Tan iyo wixii xiligaa ka dambeeyeyna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbigiisa waddaniba waxay isku arkayeen inay ku naaloonayaan taageerada –ay mudanayaasha reer Awdal u muujiyeen Danta Somaliland iyo sidii lagu bad-baadin lahaa taasoo ay sheegeen inay kabadin waayeen inay dib ugu noqdaan maskaxdii daganayd ee lagu yiqiinay reer Awadal inay la soo baxaan markay xaaladdu adkaato si ay dhidibada u gu aasaan sal-fudaydka lagu sheego garabyadii kale –ee muranku dhexyiilay ee ay qaybta ka yihiin [Somaliland]

 

“marka hore waxaan doonayaa inaan u mahad-celiyo Golaha guurtida oo Somaliland u hiiliyey annagana hadii aanu nahay mudanayaasha reer Awdal si gaara noogu heeliyey go’aankii aanu maalintii dhaweyd qaadanay waxa uu ahaa Go’aan aanu ilaahay la kaashay waxaanu ahaa Go’aangeesinimo leh” ayuu yidhi Mudane Ayaanle.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “karti –iyo dadanimo iyo raganimo ilaahay nasiiyeybay ahayd oo aanu dadkayaga iyo dalkayagaba ku bad-baadinaynay cidkalana u maanu dadnaynayne waxaanu danaynay qaranka Somaliland,Dawladnimada iyo hanqaadka dimoqoraadiaydda hanaqaadka –ah baabu u danaynaynay waxaana ilaahay mahadiis ah inay wixii aanu ku fikiraynay sabtidaa maanta-ah sabtideedii oo ay bishu ahayd 15kii November maanta oo aybishu tahay 22 odayaashii Goloaha Guurtidu ku dhawaaqeen sidii aanu ku ku fikiraynay si lamida” ayuu yidhi mudane Ayaanle.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “maanta waxaa ilaahay mahadiisa labadii Garab ee midna Gudoomiyaha Goluhu hogaaminayey midna ku xigeenkiisu hogaaminayey kuwada qanceen Go’aankaasi ay soo saareen Guurtidu halkiina maanta isku wada gacan qaadeen labadii dhinacba” Mudane Ayaanle waxa uu sheegay inay dalka yaalaan caqdi iyo dadanimo labaduba kuwaasoo u baahan uun inlaga faa’iidaysto isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “taasi waxay ku tusaysaa inay dalka dadanimi iyo caqliba yaalaan una baahan in laga faa’iidaysto cashirada Somaliland-na laga barto sida khiilaayada loo xaliyo waana in jaamacadaha –aduunka lagu dhigaa siday Somaliland u xaliso khilaafyadeeda taana waxaa dhigaya cilmiga,Iimaanka iyo dadanimada iyo Diintaa dhigaysa in laysqabto hadana lagu kala baxo wada hadal iyo isu soo dhawaansho iyo isku tanaasulaad laysuna dulqaato” ayuu yidhi.

 

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay mudanayaashoodii Reer Awdal ee fikirkaa saliimka –ah qaatay fardadweyn u tahay inay maanta Somaliland ku kala bad-baaday talo soo jeedintoodii –iyo geesinimadii ay qaateen goor ay saqdhexe ahayd taariikhda –aan xagga sare ku soo xusnay isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “annaga si gaara-ayey fardxad noogu tahay xildhibaanadayadii Reer Awdal,hiilbay nootahay,guul iyo Gobanimo iyo sharafbay nootahay” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaanle.

AWDALMPS1

Dhanka kale waxaanu waydiinay Mudane Ayaanle inay firkadani-iyaga uun ka xildhibaanoo ahaan la yimideen iyo inay cidkale ku soo talaashay waxaanu ku jawaabay “gooray saqdii dhexe ee habeenimadii subaxeeda loo balansanaa in la Rido Godoomiye Cirro ayey 1:30 habeenimo mudanayaashani ga’aankii geesinimada lahaa qaateen iyagan go’aankaasi qaatay ayaan wixii ka horeeyey 11:00 habeenimo ka horeeyey ku firkirayn inay go’aankan qaataan waxaana qabaa inay ahayd wax uu Ilaahay uuni Mudanayaasha ku il-haamiyey [Charasmatic gift] wawxaanu ahaa waxay daacadnimo hagaysay iyo fikir uu waxbadan ku fikirayey una ol-oleynayey Gudoomiyahayaga [Mudanayaashooda reer Awdal] Cabdi Maxamuud Gaagaale oo aanu anaguna daqiiqadihii ugu dambeeyey uun ilaahay nawaafajiyey sidii uu doonayey Gudoomiyahaga Gaagaale waayo waxa uu Mudane Gaagaale kamid ahaa dadkii Somalialnd nabadaynteeda soo bilaabay 22 sano kahor” ayuu yidhi.

Gaba-gabadii waxaa isaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Abubakar Cabdirahmaan Good waxaanu xusay sida –ay sheegeen xildhibaanadii –isaga ka horeeyeyba inay arrintaasi ahayd wax lagu tilmaami karo arrin xagga Ilaahay uun laga-ga soo tuuray basle waxa uu xusay inay taa u aanaynayaa inay dabada ka riixaysay oo kaliya masuuliyadda weyn ee ka saaran danaha shacabka Somaliland iyo damiirkooda oo farayey inay kala doortaan arrimaha tooda fiican ee lagu badbaadi karo “ caqiliga iyo damiirkayaga iyo masuuliyadda nasaaran ayaa nafaraysay inaanu isdaa u fikiro” ayuu yidhi Xildhibaan Good.

“Caqligu waxa uu ku waydiinayaa mar-hadii aad masuultahay maxaad ka –arrintii noocaa iyo noocaa-ahayd waxaana aad noo dhibaysay fool-xumadii meesha taalay iyo shaqaaqadii ka dambeysay ee ay Gabadhii reer Burco ku dhimatay tii -isku kaayo keentayna waxay ahayd arintaa inaanu nidhaano waar horta maxaan qabanaa iyo xageebaynu wax kaqabanaa” ayuu yidhi Mudane Abubakar Good.

Xildhibaan Good isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “arrintaasi waxay nagu dhalisay inaanu saacado dambe [late hours] isu tagno ilaahayna wuu noo fududeeyey waxaanan isla qaadanay saacadihii dambe inaanu falan qayno murugadii iyo dhibaatadii Gogasha naga soo kicisay 12kii habeenimo oo uu qofwaliba garan karo cuslayska –ay leedahay inuu qof hudrdada ka soo kaco xilgaasoo kale balse ilaahay wuu nagu guuleeyey dareenkayagii noocaa ahaa waayo daacad baanu ahayn manayjirin cid aan ilaahay ahayn oo dabada naga riixaysay waana wax ilaahay loogu mahadiyo” ayuu yidhi Mudane Abubakar Good.

Xildhibaan Abubakar Cabdirahmaan Good waxa uu tilmaamay inay tahay in waxbadan lagaga daydo Marxuum Maxamed Xaaji -Ibraamin Cigaal Madaxweynihii hore –ee Somaliland oo nidaamka Dawladeed u taagay Somaliland bulshada kale ee Somaliyeed waxay Somaliland dheertahayna uu yahay 2 arrimood isaga oo arrimahaa sharaxaad ka bixinayeyna waxa uu yidhi “Somaliland waxay dheertahay Somalida inteeda kale Marxuum Cigaal raadkiisii fiicnaa iyo beesha Somaroon waayo Muuse Suudi Yalaxaw waxa uu yidhi Somaliland waxay na dheertay Cigaal iyo Godabuursigaa markay isqabsadaan-ba u soo gurmanay ee dhex-dhexaadinaya ee Garasho kale nama dheera” ayuu yidhi waxaanu sheegay hadii qof waliba si daacada ugu dhaqaaqo waxa uu qabanayo inuu ilaahay ku guuleynayo.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here