Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Wasiirka Ciyaaraha Ku Eedeeyay Inuu Hor Istaagay Koob Gabiley Loogu Qabanayay Boorama,Berbera,Gabiley iyo Hargeysa

0
995

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Oo Ka tirsan Mudaneyaasha Xisbiga Kulmiye ugu jira Aqalka Wakiilada ayaa Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ku eedeeyay inuu hor istaagay qabashada Koobka Abwaan Suldaan Timacadde oo uu sanad walba qaban jiray Xildhibaanku.

Xildhibaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhalinyarada isku diyaarinaysay Koobkaasi ku wargaliya in Koobka la diiday “Waxaan halkan ka sheegayaa, uguna bayaaminayaa dhalin yaradii aan ugu balanqaaday, inaan qabanayo Koobkii aan ugu magac daray Marxuumkii halyayga ahaa Ee Abwaan Timacadde” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu hore ugu qaban jiray Koobkan Degmada Gabiley “Koobkan sanad walba waan qaban jiray oo Gabiley ayaan ku qaban jiray, waxaana ka soo qayb gali jiray Ciyaartoy fara badan.Ciyaartoyga aan doorkan ugu tala galay inay ka soo qayb galaan waxay ahaayeen Boorama laba kooxood ayaa ka imanayay, Hargyesa laba Kooxood ayaa ka tagayay, Berbera-na laba Kooxood, waxaanan doonayay inay dhalinyaradaasi isku bartaan koobkaas aan ugu magac daray Suldaan Timocadde, abwaankaas caanka ah” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan waxa uu sheegay inaanu garanayn sababta loo diiday Koobka “haddaba arin khatar ah oo aanan filayn baa dhacday oo Wasaaradda Ciyaaraha ayaa si cad iigu tidhi ma qabanaysid Koobkaas,, mana garanayo ujeedada laga leeyahay ee Wasiirka Ciyaaruhu iigu yidhi ma qaban kartid,ma Gabiley buu neceb yahay, ma Dhalnyarada ayuu neceb yahay, ma Abwaan Timacadde iyo Gabayadiisii ahaa dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane ayuu neceb yahay..wasiirkaasi sababta uu u diiday koobkaan dhigayay ma garanayo”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here