Daawo Muuqaal: Wasiirada Maaliyadda iyo Madaxtooyada Oo ka Hadlay Dejinta Khilaafkii Siyaasadeed Ee Wakiilada

0
900

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Golaha guurtida ku amaanay Xallinta buuqii siyaasadeed ee ka aloosnaa Baarlamaanka. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen Aqbalaada dhinacyada muransanaa iyo Xukumaddu aqbaleen Go’aamada Guurtida.

Ugu horeyn Wasiir Cabdicasiis Samaale oo arintan ka hadlaya waxa uu yidhi “Illaahay baa mahad iska leh, haddii Khilaafkii Golaha wakiilada soo dhex galay uu damay,oo Caqligii shaqeeyay, waxaanan arintaas mahadeeda u celinayaa Golaha guurtida oo arintaas oo afjaray,guusheedii iyo sharafteediina qaatay. Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa Shir gudoonka Golaha wakiilada iyo Golaha dhamaantii oo Go’aamadii guurtida qaatay”

Wasiir Samaale waxa uu amaan u jeediyay Odayaasha Guurtida “Golaha guurtidu waa wax aynu Adduunka inbadan oo ka mid ah dheernahay. Waa Gole qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland, waa gole Odayaal iyo Waayeel waxgarad ah oo si aad iyo aad ah u yaqaan habka dhaqanka ee xallinta Khilaafka dhaqanka”

Wasiir Xirsi ayaa isna soo dhaweeyay aqbaladaa Go’aanka ee Madaxweynaha iyo Golaha wakiilada “Go’aanka Golaha guurtida waxaan u arkaa go’aan sax ah oo ay ku badbaadinayeen dalka kuna kala furanayeen Khilaafkii iyo Buuqii iyo qaylidadii dhexyaalay Golaha wakiilada.Golaha guurtiduna waa Gole u idman dejinta dalka, waana gole lagu yaqaan Maslaxad iyo danta caamka ah, waanan ku amaanaynaa, waanan ku qanacsanahay”

Golaha guurtida Somaliland ayaa amaan ku mutay xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee Golaha wakiilada oo sababay qalalaase siyaasadeed.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here