Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Gacan Taaga Ku Ansixiyey Wada Hadalka U Bilaabmay Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo

0
1160
Golaha Wakiilada

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay saaka iskugu yimaadeen waxa ay kaga doodeen ansixinta wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Waxaana fadhigan saaka oo kasoo xaadireen 44 xildhibaan,hogaaminayey gudoomiye ku  xigeenka golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Waxaana xildhibaanadu dood dheer ka dib ay guda galeen codaynta in la ansixiyo wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo,waxaana in ay sii socdaan wada hadaladaasi ansixiyey 42 xildhibaan,Hal Xildhibaana waa ka aamusay gudoomiyuhuna muu codayn.

Waxaana sidaas ay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ay ku ansixiyeen in ay sii socdaan wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo kaas oo labadii waji ee hore ay kasoo baxeen qodobo muhiim ah.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here