Wafti Ka Socda Dawlada Sucuudiga Oo Kusoo Food Leh Somaliland+Wakhtiga Ay Imanayaan Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

0
1184
Xoolaha Berbera ka dhoofaya PHOTO FILE.

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in dalka ay kusoo food leeyihiin wafti balaadhan oo dhakhaatiir ah isla markaana ka socda dawlada Sucuudiga.

Waftigan dhakhaatiirta ah ayaa waxay xoguhu noo sheegeen in ku guda jirka todobaadkan ay dalka imanayaan  iyaga oo la filayo inay yimaadaan maalinka Salaasada ama Arbacada midkood.

Waxaana waftigan dhakhaatiirta ah ee ka socda dawlada Sucuudigu ay ujeedada socdaalkoodu daaran tahay sidii ay baadhis dhanka caafimaadka ah ugu samayn lahaayeen xoolaha laga dhoofiyo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyo waliba sidii ay usoo kormeeri lahaayeen goobaha maxjarada ah ee laga dhoofiyo xoolaha ee ku yaala magaalada Berbera.

Waftigan dhakhaatiirta ah ee ay dawlada Sucuudigu usoo dirtay Somaliland ayaa la filayaa in inta ay dalka Somaliland ku sugan yihiin ay baadhinaato caafimaad ku sameeyaan xoolaha laga dhoofiyo Somaliland oo ay dawlada Sucuudigu sheegtay in ay qabaan xanuuno,taas oo ay dawlada Sucuudigu xayyiraad saartay dhamaan xoolihii laga dhoofin jirey dhulalka Somalida.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu dhankeeda waxay ah sheegtay in xoolaha laga dhoofiyo Somaliland aanay wax xanuuna qabin isla markaana xoolahaasi yihiin kuwo caafimaad qaba,waana ta sababta u noqotay in dawlada Sucuudigu dhakhaatiir ku takhasustay caafimaadka xoolaha usoo dirto Somaliland kuwaas oo maalmaha soo socda kusoo fool leh Somaliland.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here