Xildhibaan Raambo oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye

0
1390

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo kamid ah xildhibaanadda cusub ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa munaasibad Hadhimo sharafeed ah ku maamusay xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee xisbiga KULMIYE.

Waxa munaasibadan kasoo qayb galay xubno kamid ah Golaha wasiiradda Somaliland,Agaasimeyaal,Xildhibaanadda Xisbiga KULMIYE ee Golaha Wakiiladda Somaliland,aqoonyahan, waxgarad,haween ,dhalinyaro iyo marti Sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horeyn munaasibadan waxa ka hadlay xubno kamid ah aqoonyahankii kasoo qayb galay munaasibadan, waxaanay tilmaameen in maanta Somaliland ay noqotay meel ay Afrika oo dhammi ku dhaadato,isla markaana ay adduunyaddu ku majeeranayso doorashooyinka Dimuqraadiga ah ee ka dhacay, waxaanay shacab weynaha iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandba uga mahadceliyeen sidii ay doorashadaas u dhacday.

Waxa ay sidoo kale Aqoonyahankii iyo marti sharaftii munaasibadaasi kasoo qayb gashay si weyn ugu mahadceliyeen Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay uga mahadceliyeen sidii ay u daadihiyeen doorashadii lagu doortay shir guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland.

Dhinaciisana waxa halkaas ka hadlay xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo sheegay in ay ku khasban yihiin in ay haneeyaan  doorashadii shir Guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga helay,waxa uu sidoo kale u mahadceliyey xildhibaanadii codkooda siiyey oo uu sheegay in aanu qaarkood weligood arag,laakiin uu isu keenay mabda’u.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay tahay xukuumadii ugu horeysay ee qabata laba doorasho oo isku sidkan, isla markaana ka maarantay  mucaawimadii caalamka uga iman jirtay ee doorashooyinka lagu qaban jiray.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in qaranka Somaliland uu yahay qaran isu tanaasula, isla markaana qardoofo kasta kasoo kaban kara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here