Al-shabaab oo Goob Fagaare Ah Ku Toogatay Nin Af-lagaadeeyay Nabi Muxammed NNKH

0
842

Ceelbuur (Hargeisa Press) – Ururka Al-shabaab, ayaa waxaa ay goob fagaare ah ku toogteen Nin ay sheegeen inuu af-lagaadeeyay Nabi Muxammed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaate.

Xarakada Al-shabaab, ayaa Ninkaasi ku toogtay goob fagaare ah oo ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ninka ay ururka Al-shabaab xukunka dilka ah ay ku fuliyeen, ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Tooxoow Fiidoow oo ku noola deegaanka Xiindheere.

Maxkamada ay leedahay Al-shabaab, ayaa waxay sheegtay in cadeymo iyo markhaatiyaal lagu helay in ninkaasi oo uu aflagaadeeyay Nabi Muxammed NNKH.

Ninkan la sheegay inuu aflagaadeeyay Nabigeena suuban, ayaa waxaa da’diisa lagu sheegay 87 sano jir, waana dilkii ugu horeeyay ay Al-Shabaab ku fuliso qof ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Muxammed N.NKH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here