Qorsheyaashii U Degsanaa Cabdi Iley Saddex Sano Kahor

0
1634

Jigjiga (Hargeisa Press) – Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa xilka madaxtinnimada wareejiyay saddex sano kahor maanta oo kale, ka dib siddeed sano oo uu xilkaas hayay.

Arrintan, ayaa ka dambeysay kadib rabshado hadheeyay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka, iyadoo ay jireen isku dhacyo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada oo khasaaro nafeed iyo mid hantiba geystay.

Maalin kadib, waxaa Cabdi Maxamuud Cumar qabtay ciidamada Itoobiya oo markii dambe u qaaday magaalada Addis Ababa oo weli uu ku xidhan yahay.

Cabdi Iley, wuxuu ku eedaysan yahay inuu gaystay “dil, xadhig aan loo meel dayin, jidh dil iyo ku takri fal awoodeed,” xilligii ay rabshaduhu ka socdeen Jigjiga ee Bishii August 2018. Balse dhankiisa wuu iska fogeeyay dhammaan eedeymahaas.

Intii uu Cabdi madaxweynaha ahaa waxay hay’addaha Xuquuqda Aadanaha u dooda ku eedeeyeen in tacadiyo laga geystay deegaanka, gaar ahaan Jeel Ogaadeen oo ay ku xidhnaayeen dad badan oo loo haystay in ay ka tirsanaayeen Jabhadaha ama ay taageerayeen.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa xilka sii hayay ka dib markii isbedello ay ka dheceen Itoobiya oo xilka ra’iisal wasaaraha uu qabtay Abiy Axmed.

Xil-wareejintiisii iyo xadhiggiisaba waxay ahaayeen kuwo aan la fileyn, waxaana jiray qorshooyin u degsanaa kahor inta aanu xilka banneenynin oo aan la xidhin, sida uu ku sheegay hadallo uu meelo kala duwan ka jeediyay.

Waxaan soo qaadaneynaa mid ka mid ah khudbadihii ugu dambeysay ee meel fagaare ah uu ka jeediyay:

Maxay ahaayeen qorshooyinkaas?

1 – Wuxuu muujiyay in uu dabcay ONLF

Mar uu ka hadlayay munaasabadda 100-ka maalmood ee uu xilka hayay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, wuxuu Cabdi Maxamuud Cumar ugu baaqay in ONLF (Jabhadda Waddaniga ah ee Xoreynta Ogaadeeniya) inay ka faa’iidaystaan baaqa ra’iisal wasaaraha u jeediyey jabhadaha iyo xisbiyada mucaaradka ee ah in ay nabad qaataan.

Jabhadda ONLF oo uu markaas baarlamaanka dalka Itoobiya ka saaray liiska ururrada argagixisada, ayuu weydiistay in fursadda la siiyay iyaga oo ka faa’ideysanaya ay si nabadgelyo ah siyaasaddooda u wataan.

“Hoggaanka jabhadda colaaddii iyo naceybkii hore ee sannado badan ay waddanka u hayeen intey dhinac iska dhigaan, dadaallada nabadeed ee dalka ka socda waa inay qayb ka noqdaan,” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.

“Dhammaan maxaabiistii u xidhneyd deegaanka ee jabhadda ONLF waa la sii wada daayay, wakhti xaadirkan hal qof oo jabhadda ONLF darteed u xidhan ma jiro,” ayuu sii raaciyey.

2 – Cafis uu dalbaday iyo in la saxo Khaladaadkii dhacay

Wuxuu sheegay in mar kasta oo shaqo la qabanayo uu khalad dhici karo, “balse wararka brobagaandada marka la iska reebo, wixii aan khaladkiisa leennahay in aan saxno ayaan diyaar u nahay,” ayuu ku yidhi khudbad uu jeediyay bartamihii bishii July 2018.

Wuxuu kaloo uu sheegay Cabdi Maxamuud Cumar in khaladaadka hore u dhacay ay mas’uuliyaddooda qaadayaan xukuumadda deegaanka iyo xisbiga talada haya, wuxuuna cafis ka dalbaday shacabka deegaanka.

“Dhammaanteen waa in aan khaladkeenna qiranno, islamarkaana aan dalbanno cafis, dhaqankaas ayaa loo baahan yahay in aan dhammaanteen caadeysanno,” ayuu yidhi.

3 – In albaabbada loo laabo Jeel Ogaadeen

Isla munaasabaddaas 100-kii maalmood ee uu xilka hayay Abiy, wuxuu Cabdi ka sheegay in la qorsheynayo in la xidho jeelkii Dhexe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee loo yaqaannay Jeel Ogaadeen.

“Waxaan qorshaha ku darsannay oo aan fulinteedana hirgelin doonnaa in aan xabsiyada ka dhigno xarumo horumarineed, tusaale ahaan xabsiga oo kale iskuul loo beddelo, masaajid loo beddelo, xero caafimaad loo beddelo, iyo in kharashkii ku baxayay loo adeegsado dhanka horumarka”, ayuu u sheegay dadkii dhageysanayay.

Xabsigaas oo tacaddiyo badan loogu gaysan jiray dadka maxaabiis ah sida ay sheegeen hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha, ugu dambeyn waxaa la xidhay bishii September ee sannadkii 2018.

Sannadkii 1996, ayaa la aasaasay Jeel Ogaadeen. Xilligaas waxaa madaxweynaha killilka ka ahaa Khadar Macallin Cali.

Inkastoo magaalada Jigjiga ay fiday, haddana waxaa xilligaas magaalada laga fogeeyey jeelka oo laga dhisay 5-6 KM goob u jirtay. Balse hadda magaalada ayaa fidday oo dhaaftay, waxaana la odhan karaa wuxuu ku yaallaa bartamaha meelo ku dhow.

4 – Sii wadidda qorshooyinkii uu la yimid Ra’iisal Wasaare Aby Axmed

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo in uu sii wado isbeddellada horumarineed iyo kuwa nabadeed ee uu horseeday maamulka Abiy Axmed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhanka dhaqaalaha iyo cafinta loo fidiyay jabhadaha.

“Waxaa loo baahan yahay in nidaamkan uu degdeg ku shaqeeyo, shacabka dartii, masaakiinta dartood, in hore loo sii socdo ayaa la rabaa. Gacmo isku duubni ayay wax ku qabtaan, isku duubni ayaan qorshaheenna ku dhaqaajineynaa,” Ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY