Xildhibaan Qodax oo Xaflad U Qabtay Taageereyaashii Soo Doortay

0
556

Hargeysa (HP): Xildhibaan C/naasir Yuusuf Qodax, oo ka mida mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa xaflad mahad naq ah u sameeyay taageereyaashiisii xiligii ololaha.

Xildhibaan Qodax, oo laga soo doortay gobolka Maroodijeex ayaa taageereyaashan uu munaasibadda mahad naqa ah u qabtay waxay ahaayeen bulshadii u codaysay, isla markaana u ololeeyay.

Kuwaasoo ahaa haweenkii taageereyaasha u ahaa ee kaalinta weyn ka qaatay xiligii ololaha doorashooyinka lagu jiray.

Munaasibadaasi oo ka qabsoontayb magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay boqolaal taageereyaashii u codeeyay ah xildhibaan Qodax.

C/naasir Qodax, oo hadal u jeediyay haweenkii uu munaasibadda nahad naqa ah u qabtay ayaa uga mahad celiyay sidii ay u garab istaageen wakhtigii doorashooyinka lagu jiray.

Waxaanu valan qaaday xildhibaan Qodax, in bulshadiisa soo dooratay uu u sameeyay xafiis ay ka wada socdaan, isla markaana uu iskaga xidhayo iyaga iyo xukuumadda dhexe.

Daawo: Khudbadii Xildhibaan Qodax:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here