Saylici oo Ka Qayb Galay Xuska Furitaanka Safaaradda Taiwan

0
815

Hargeysa (HP): Waxaa maanta xarunta safaaradda dawladda Taiwan ay ku leedahay magaaladda Hargaysa lagu qabtay munaasibad loogu dabala degayay bilawga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland.

C/raxmaan Saylici, oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in mudadda sanadka ah ee ay safaaradda Taiwan ka furnayd Somaliland in ay muujisay wax qabad balaadhan oo dhinaca iskaashiga labadda dal ah.

Waxyaabaha ay ku tallaabsatay ee faa’iidadda ah ayuu madaxweyne ku-xigeenku ku tilmaamay in ay ka mid tahay ardayda reer Somaliland ee ay deeqdda waxbarasho siisay dawladda Taiwan.

Waxa kaloo uu sheegay Saylici, in tallaabooyin waaweyn ee ay safaaradda Taiwan qabatay intii ay Hargaysa ka furnayd ay ka mid tahay sidii ay xukuumadda Somaliland iskaga kaashadeen xakamayntii xanuunka Coronavirus.

DAAWO: Khudbadii Saylici:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here