Xildhibaan Obama Oo Qorsheyaal Lagu Dardargelinayo Hawlaha Xisbiga La Wadaagay Hoggaanka Gobolka Maroodijeex Ee KULMIYE. + SAWIRRO

0
1247
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama) oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta kulan ballaadhan oo lagu dardar gelinayo hawlaha xisbiga, korna loogu qaadayo sidii nashqado cusub oo casri ah loogu dhigi lahaa arrimaha ku aaddan ololeyaasha uu xisbigu ku geli doono doorashooyinka madaxweynenimo ee soo socda la qaatay hoggaanka gobolka M/jeex xisbiga u qaabilsan iyo xubnaha hoggaamiya siddeeda degmo ee caasimadda Hargeysa ka kooban tahay.

Kulankan dardargelinta ah ee xildhibaanku ugu talo galay inuu hawl-wadeennada iyo madaxda xisbiga u qaabilsan gobolka M/jeex ugu wacyigeliyo sidii istaraatiijiyad hufan oo guul keeni karta xisbiga loogu dejin lahaa, ayaa waxa ka qayb-galay guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan-cadde,xildhibaan Maxamed Xirsi oo isagu kulankan soo qaban qaabiyey, wasiiru-dawlaha Duulista iyo Hawada Md. Axmed Nuur Faahiye, guddoomiyaha gobolka M/jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Hadhiye, gudoomiyeyaasha siddeeda degmo ee caasimadda Hargeysa ka kooban iyo xubno kale oo saraakiisha gobolka ee xisbiga kamid ah, waxana si weyn la isula falanqeeyey qorsheyaal iyo istaraatiijiyado dhaxalgal ah oo loo arkay inay guusha xisbiga qayb weyn ka qaadan karaan, kuwaas oo intaada badan kasoo maaxday maanka xildhibaan Obama.

Xubnihii kulankan kasoo qayb-galay, ayuu xildhibaanku u jeediyey duruus iyo casharro cilmiyeysan, kuwaas oo uu ugu talo galay inay qayb ka noqoto qorshaha uu xisbigu ku geli doono ololihiisa uu ugu diyaar-garoobayo doorashada madaxtinimada ee dhammaadka sanadka dalka ka qorshaysan, waxana uu xubnaha kale ka codsaday inay si hufan u weeleeyaan, isla markaana ay gaadhsiiyaan taageerayaasha iyo xubnaha kale xisbiga u codeeyaba.

Xildhibaan Maxamed Xirsi Obama oo isla kulankan oo kale hore ula soo qaatay hoggaanka garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE, ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay inay saraakiisha heer gobol ee xisbigu ay iyaga oo iskaashanaya fahan dheeraad ah ugu yeeshaan qorsheyaasha seeska u ah istaraatiijiyada xisbiga, si ay qaybtooda uga qaataan olole cilmaysan oo xeeladaysan.

 

Xubnaha heer gobol ee xisbiga KULMIYE oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey qorsheyaasha cilmiyeysan ee uu xildhibaan Obama ugu talo galay in ololaha lagu lagu, isla markaana la isugu xidho waaxyaha kala duwan ee xisbiga, waxana ay ballan ku qaadeen inay meel marin doonaan casharrada uu siiyey iyo qorsheyaasha dhaxal-galka ah ee la aamisan yahay inay xisbiga markiisii labaad guul uu dalka ku hoggaamiyo keeni karaan.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Md. Axmed Nuur Faahiye, ayaa isaguna soo dhaweeyey nashqadaha iyo khidadaha cusub ee uu xildhibaan Obama ku dhiirrigeliyey hoggaanka gobolka M/jeex ee xisbiga KULMIYE, waxana uu xubnihii goobta joogay ka codsaday inay duruustaas si hufan uga faa’iidaystaan.

Xildhibaan Maxamed Xirsi Obama, ayaa xubnahaas ku dhiirrigeliyey inay dhammaanba taageerayaasha xisbiga la wadaagaan qorsheyaasha uu u sharraxay, isla markaana ay faafintiisa iyo fidintiisaba qayb weyn ka noqdaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan-cadde oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u ammaanay sida hagar la’aanta ah ee uu xildhibaan Obama xisbiga KULMIYE ula garab taagan yahay guubaabada, waxana uu shaaca ka qaaday shaaciyey in casharrada noocan oo kale ahi ay soo dedejin karaan guul uu xisbigu gaadho iyo is-fahan horleh oo dhexmara waaxyaha halbawlaha u ah xisbiga ee hoggaamin doona ololaha la filayo inuu xisbigu geli doono.

Kulankan, ayaa daba socday kulamo noociisa ah oo uu dhawaanahanba xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama la yeelanayey qaybaha kala duwan ee xisbiga KULMIYE, isla markaana uu kusoo bandhigayey qorsheyaal wax ku ool ah oo uu xisbigu ololihiisa ku geli doono, waxana ay qorsheyaashina kamid yihiin istaraatiijado dhaxalgal ah oo uu xildhibaanku maankiisa kasoo tuujiyey.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here