Xildhibaan Khadar Cali oo U Jawaabay Wasiirka Gaashaandhiga

0
1376

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo ka mida Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka jawaabay hadallo maanta ka soo yeedhay Wasiirka Gaashaamdhiga Somaliland.

Hadalkaasi oo uu wasiirku kaga jawaabayay waraysi lala yeeshay guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiillada Somaliland oo sheegay in xukuumadu ay awood u isticmaashay doorashadii shirguddoonka, in golihii hore ee Wakiilladu muxaafid ahaa iyo in waxgaradka ka soojeeda gobolka Sool ay Somaliland ka maqanyihiin.

Wasiir Caateeye, ayaa sheegay in loolanka doorashada shirguddoonkii golaha Wakiillada ay qolo waliba dhankeeda ka waday islamarkaana aanu jirin culays la sheego oo xukuumadu saartay mucaaradka.

Geesta kale, Xildhibaan Khadar, oo laga soo doortay gobolka Sanaag, kana tirsan xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ku tilmaamay mid aanu iska hubsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here