Xukuumadda oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Cabdirisaaq Khaliif

0
2146

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Wasiirka, ayaa beeniyay jawaabo uu bixiyay guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed xili uu waraysi siinayay Telefiishanka Universal.

Guddoomaye Cabdirisaaq Khaliif, ayaa waraysigaasi ku sheegay in xukuumadu ay awood u isticmaashay doorashadii shirguddoonka, in golihii hore ee Wakiiladu muxaafid ahaa iyo in waxgaradka ka soojeeda gobolka Sool ay Somaliland ka maqanyihiin.

Wasiir Caateeye, ayaa sheegay in loolanka doorashada shirguddoonkii golaha Wakiillada ay qolo waliba dhankeeda ka waday islamarkaana aanu jirin culays la sheego oo xukuumadu saartay mucaaradka, isagoo ka jawaabaya eedaynta Guddoomiye Khaliif ee ahayd in xukuumadu ay awood badan isticmaashay taasina ay keentay in loolanka doorashada shirguddoonku adkaado.

Sidoo kale, wasiira ayaa beeniyay in golihii hore ee Wakiilladu uu noqday wada muxaafid oo uu howlaha xukuumada fulin jiray sida uu ku andacooday Guddoomiye Khaliif intii lagu guda jiray waraysiga uu Universal siiyay.

Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in aqoonyahanka iyo waxgaradka gobolka Sool ay Somaliland ka maqanyihiin isagoo soo qaatay  tusaalayaal dad madax dhaqameed iyo wax garad ah oo Somaliland ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here