Xildhibaan Caydiid Khayre Oo Shaaciyay Musharaxnimadiisa Golaha D/Degmadda Sheekh

0
763

Sheikh (Hargeisa Press): Munaasibad lagu shaacinayay murashaxnimadda Caydiid Khayre Xaashi, oo u sharaxan xildhibaan-nimadda golaha deegaanka ee degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa maanta lagu qabtay degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil.

Xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi, oo mida xildhibaanadda golaha deegaanka Degmadda Sheekh oo haatan jooga, ayaa mar kale ay beeshiisu u garatay in loo cumaamado oo uu uga qayb gallo tartanka doorashooyinka goleyaasha deegaanka Somaliland.

Iyadoo odayaasha, waxgaradka iyo beesha xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi, waxay sheegeen in ay isku raaceen  in mar labaad uu isu sharaxo kursigaasi, isla markaana ay hore u soo tijaabiyeen una aqoonsadeen inuu yahay nin masuul ah oo ku haboon in mar labaad loogu celiyo.

Xafladda lagu shaacinayay murashaxnimadda mar labaad ee xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi, waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin, cuqaal, salaadiin, odayaal, waxgarad, haween, dhalinyarro iyo marti sharaf kale.

Daawo: Hadaladii laga Jeediyay Shaacinta Murashaxnimadda Xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here