Dhul-gariir Cabirkiisu Yahay 7.0 Magnitude oo Gilgilay Galbeedka Turkiga iyo Greece

0
1197

Ankara (Hargeisa Press) — Dul-gariir xooggan ayaa maanta ku dhuftay badda Aegean-ka, waxaana laga dareemay dalalka Turkey iyo Greece, iyada oo dhismooyin badan ay ku burbureen magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada loo dalxiiska tago ee Izmir, sida ay sheegeen goobjoogeyaal, kadib markii uu ka dhacay dhul-gariir cabirkiisa lagu sheegay 7.0.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa twitter ku sheegay in lix dhisme ay ku burbureen laba degmo oo ka tirsan gobolka Izmir. Hase yeehsee, duqa magaalada Izmir ayaa tirada dhismooyinka burburay ku sheegay inay ku dhow yihiin 20.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare nafeed oo xooggan, balse weli ma cadda heerka uu leeg yahay.

Suleyman Soylu waxa uu sheegay inaan wax khasaare ah laga soo sheegin lix gobol oo kale oo laga dareemay dhul-gariirka, balse ay jireen guryo dhowr ah oo girir yar uu gaadhay.

Ali Yerlikaya, oo ah badhasaabka Istanbul, halkaasi oo sidoo kale laga dareemay dhul-gariirka, ayaa isna sheegay in wax khasaare ah aan lasoo werin.

Dhanka kale, dadka degan Jasiiradda Samos ee dalka Greece, halkaasi oo ay ku nool yihiin qiyaastii 45,000 oo qof ayaa lagu booriyey inay ka fogaadaan xeebaha.

Wararka ayaa sheegaya in hirar waa weyn laga dareemay badda, lagana cabsi qabo in dhul-gariirkan uu yahay sunami.

LEAVE A REPLY