Warbixin: Maxaa Ku Cusub Ololaha Doorashada Madaxtinimada Ee Mareykanka?

0
1008

Washington (Hargeisa Press) — Iyadoo maalmo kooban ay ka hadhsan tahay inta codbixiyayaashu ay ka dhiibanayaan codadkii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinimada Mareykanka, musharrixiinta madaxweyne ayaa Jimcaha maanta ah diiradda ku saaraya dadaalkooda ololaha afar gobol oo dhaca bartamaha galbeedka Mareykanka, kuwaasi oo si aad loogu taratamayo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa olole ka sameyn doona gobollada Michigan, Minnesota iyo Wisconsin, halka madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden uu ka ololeyn doono gobollada Minnesota, Wisconsin iyo Iowa.

Michigan ayaa leh 16 cod oo ergada doorashada ah, halka Minnesota iyo Wisconsin uu gobolkiiba leeyahay min 10 ergo, Iowa-na ergadeedu waa 6.

Trump iyo Biden ayaa Khamiistii ololahooda diiradda ku saaray gobolka Florida ee dhaca koonfur-bari Mareykanka, kaasi oo uu madaxweynuhu ku guuleystay doorashadii 2016-kii.

“Haddii Florida ay noqoto buluug, waa ay dhammaatay. Way dhammaatay,” Biden ayaa sidaasi ka sheegay isu soobax ololihiisa ah oo ka dhacay bannaanka hore ee Broward College, isaga oo buluugga ula jeeday midabka Xisbiga Dimuqraadiga.

Biden ayaa ku dhaleeceeyay madaxweyne Trump qabashada isu soo baxyada ay dadka badan ka qeybgalaan, iyadoo ay jirto xaaladda cudurka safmarka ah ee coronavirus oo ayna inta badan dadka ka qeybgalaya isku soo baxyadaasi xidhneyn maaskarooyinka afka lagu daboosho, wuxuuna ugu yeedhay “dhacdooyin si weyn u faafinaya,” cudurka.

Madaxweynuhu wuxuu “faafinayaa wax ka badan coronavirus. Wuxuu fidinayaa kala qaybsanaanta iyo khilaafaadka,” Biden ayaa ka sheegay isu soo bax labaad oo meel banaan ah lagu qabtay kana dhacay magaalada Tampa, kaasi oo la soo gaabiyay roob halkaasi ka da’ayay awgeed.

Trump, oo la hadlaya dadweyne aad u tiro badan oo ku sugnaa barxad gaadiidka la dhigto ee garoon ku yaalla magaalada Tampa, ayaa mar kale saadaaliyay in codeeyeyaal aad u tiro badan oo Jamhuuri ah ay soo bixi doonaan maalinta doorashada ee 3-da November.

“Waan ku guuleysaneynaa doorashadan si aad u weyn. Waad arki doontaan, ”ayuu madaxweynuhu saadaaliyay.

Trump ayaa waxaa u qorsheysnaa bannaanbax kale oo uu gelinkii danbe ee Khamiista ku qaban lahaa gobolka North Carolina, laakiin “cimilada oo aad u xun” darteed, oo ay dhaceysay dabeylo badan, isku soo baxaasi ayaa dib loo dhigay illaa Isniinta, ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta.

Trump ayaa khudbadiisa Tampa waxa uu sidoo kale ku sheegay in Mareykanku uu tallaal u heli doono COVID-19 “todobaadyo yar gudahood,” isagoo ballan qaaday in dadka “waayeelka ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya safka qaadashada.”

Gobolka Florida, dadka da’doodu ka weyn tahay 65 sano jirka ayaa sannadkan ka koobnaan kara saddex meelood meel dadka codeynaya.

Doorasho kasta tan iyo 1996-kii, musharraxa ku guuleysta Florida ayaa ku guuleysanayay madaxtinimada. Musharraxa ku guuleysta gobolkaasi ayaa helaya 29 ergo doorasho oo ka mid ah 270-ka ergo ee loo baahan yahay in musharraxa madaxweynuhu uu kasbado si uu ugu guuleysto madaxtinimada.

Sida ay tibaaxayso celceliska ra’yi arurrinno waaweyn oo ay soo aruurisay warbaahinta Real Clear Politics, Biden iyo Trump ayaa aad iskugu dhow gobollada Florida iyo North Carolina, halka madaxweynuhuna uu ka hooseeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ra’yi aruurinta gobollada Michigan, Pennsylvania, iyo Wisconsin.

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here