Xildhibaan Bidhi oo Markii Saddexaad Mushaharkiisa Ugu Deeqay Dadka Abaaraysan ee Togdheer

0
1001
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi)

Burco ,(HargeisaPress) —Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi)   oo ka tirsan Golaha Degaanka ee degmadda Burco, ayaa mushaharkiisii markii  saddexaad ugu daaqay dadka jilicsan ee abaartu tabaaleysay, waxaanu  deeq biyo  ah u kala diray shan  tuullo oo hoos yimaada  gobolka Togdheer.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi, ayaa ka hadlay degaannada la gaadhsiinayo biyaha iyo sababta uu mushaharkiisa  uu ugu deeqay dadka abaaraysan waxaannu yidhi; “Maanta (shalay) shan tuullo oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaanu gurmad biyo ah  diraynaa oo illaa lix booyadood ah, deegaannadan  oo kala ah Bali-calanle, Heere, Balli-rooble, Jaamac Liibaan iyo Jaamac Qabar. Biyahani meel kale kamay iman waa mushaharkaygii, runtii magac ka dooni maayo, waana markii saddexaad ee aan mushaharkayga ugu deeqo dadka abaareysan.waxaan dadka tusaynaa in aan la dareen ahay dadkii i doortay.”

Xildhibaanku waxa uu ka deyriyay xaaladda abaarta kulul ee ka jirta gobollada bari oo uu tilmaamay inay jirtay lix bilood oo dhan. “Lix bilood ayey abaartu gashay, waxaanay maraysaa halkii ugu xumayd Ilaahay  ayaynu ka baryaynaa inuu abaarta innaga dul  qaado. Waxa loo baahan yahay in la isku naxariisto,”ayuu yidhi Mubaarig Bidhi.

Mubaarig Yuusuf Cilmi, waxa uu intaas ku daray in xukuumadda iyo Guddida gurmadka abaaraha qarankuba ay wax badan qabteen intii itaalkooda ahayd, waxaanu soo jeediyay in bulshadu  u midowdo sidii loo taakulayn lahaa dadka abaaruhu caydheeyeen.

“Xildhibaanka gartay mushaharkiisii  inuu lix tuulo ugu deeqo waanu ka guddoonay haddaanu cuqaasha nahay xildhibaan halkii aad tidhi gaadhsiiyana waan gaadhsiinaynaa,” ayuu yidhi mid ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer ee deeqdaas biyaha ah ka guddoomay Xildhibaan Mubaarig Bidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here