Xildhibaan Bidhi Oo Ku Baaqay Banaan-baxyo Lagu Taageerayo Guusha Shirka Jabuuti

0
997

Burco (HP): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa ugu baaqay guud ahaanba shacabka reer Somaliland in ay sameeyaan banaan-baxyo lagu taageerayo guusha ay Somaliland ka gadhay shirkii Jabuuti ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidoo kale-na lagu muujinayo taageeradda ay shacabku u hayaan khudbadii uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay shirkaasi.

Waxaanu xildhibaanku soo dhaweeyay khudbadii uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ka jeediyay shirka Jabuuti oo uu ku tilmaamay mid uu madaxdii shirka joogtay kula gar-naqsaday.

Xildhibaan Bidhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco ayaa xusay in madaxweyne Biixi aan marnaba looga cabsansaynin in uu ka leexdo qadiyadda qaranimadda Somaliland, isla markaana uu u soo halgamay xoriyadii dib u la soo noqoshadda Somaliland.

Baaqa isu-soo baxyadda lagu taageerayo guusha ay Somaliland ka gaadhay shirkii Jabuuti ayuu xildhibaan Bidhi, tilmaamay in ay muhiim tahay in si gaara looga dhigo gobolka Togdheer.

Maadaama oo madax banaanidda jamhuuriyadda Somaliland magaaladda Burco lagaga dhawaaqay 18-kii bishii May ee sanadkii 19991-kii.

Daawo: Xildhibaan Bidhi Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here