Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland oo La Ansixiyay

0
699

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa lagu ansixiyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland oo hortagay.

Fadhigan golaha Wakiillada Somaliland ku ansixiyay xubnahan ka tirsan Golaha Wasiirrada, ayaa Guddoominayay, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Xubnahan ka tirsan golaha Wasiirrada ee maanta ay ansixiyeen golaha Wakiilladu, ayaa ka koobnaa 6 xubnood.

Waxaanay xubnahan golaha wasiirrada ee la ansixiyay ay kala aheen, Wasiirrada Beeraha, Isgaadhsiinta, Gaashaan-dhiga, Xidhiidhka Goleyaasha, Jidadka iyo Ciyaaraha.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Axmed Habane, waxa ogolaaday 55 xildhibaan, halka Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda  Axmed Yuusuf Idiris ay u codeeyeen meelmarintiisa 55 Xildhibaan.

Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Dr. Rooble Cabdi Cilmi, waxa u codeeyay 49 Xildhibaan, iyadoo Wasiirka Ciyaaraha, Cabdirisaaq Muuse Faarax waxa u coddeeyay 56 Mudane.

Geesta kalena, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), waxa u codeeyay 47 Mudane, halka Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka ay u codeeyeen 55 Mudane.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here