Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SOLJA oo Soo Dhaweeyay Guusha Ay Somaliland Ka Gaadhay Shirka Jabuuti

0
1360

Hargaisa (HP): Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa soo dhaweeyay guusha siyaasadeed ee weftiga uu hogaaminayo madaxweynaba Somaliland Muuse Biixi ka soo hooyeen shirkii dalka Jabuuti ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha SOLJA ayaa sheegay in uu u arko guusha ay weftiga Somaliland ka gaadheen shirkaasi uu yahay mid ay madaxda Somaliland muujiyeen diyaar garow siyaasadeed iyo qorshe cad oo ay madaxdii dawladaha kale ugu soo bandhigeen qadiyadoodda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ururka SOLJA oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), isagoona sidoo kale ku bogaadiyay warbaahinta Somaliland u baahiyeen ama u gudbiyeen wararkii shirkaasi ku saabsanaa.

Geesta kale, war-saxaafadeedka SOLJA ayaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka ka hawl gasha waxa uu ugu baaqay in ay weriyeyaashu ka fogaadaan wararka khaldan iyo dacaayadaha wiiqi kara natiijadda shirkii Jabuuti.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here