Xeer Muran iyo Kala Qaybsanaan Horleh Ka Dhex Abuuray Golaha Guurtida

0
469

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa uu fasax deg deg ah geliyay mudanayaasha golaha Guurtida.

Fasaxan deg dega ah ee uu Guddoomiye Saleebaan geliyay mudanayaasha golahaasi, ayaa yimid kaddib markii ay mudaneyaashu isku meel mari waayeen doodda Xeerka Qaxootiga iyo Magangelyo Doonka oo muddooyinkii u dambeeyey horyaallay golahaasi.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Suleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa uu mudanayaasha ku wargaliyey in xeerka Qaxoontiga iyo magangelyo doonka kal-fadhiga dambe la ansixin doono goluhuna fasaxii galo mudo 2 bilood ah, islamarkaana kalfadhigii 79aad uu sidaas ku soo xidhmay.

Guddoomiye Saleebaan, ayaa waxaa uu sheegay in xeerka Qaxoontiga iyo Magangeliyodoonku uu kala qaybiyay golaha, arrintaasi darteedna uu fasax geliyay mudanayaasha golahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here