Xaaladda Abaareed Ee Gobollada Bariga Oo Sii Adkaaneysa, Deegaanno Gurmad La Gaadhsiiyey Iyo Baaqa Madaxweynuhu Shacabka U Diray

0
914

Burco, (HargeisaPress) —Waxa aad looga deyrinayaa Xaaladda Abaareed ee ka jirta Gobollada Sool, Sanaag, Saraar iyo Togdheer.

 

Gobollada Abaartu ku dhufatay ayaa xoolihii bilaabeen inay Bakhtiyaan, waxaana meel walba daadsan bakhtiga Xoolaha kala duwan, sida Adhiga, Lo’da, Geela iyo Dameeraha Dadku rartaan, kuwaasi oo markii ay Biyo iyo Baadba waayeen isla-markaana awood la’aan awgeed u socon kari waayeen bakh-bakhtiyey.

 

Abaartan oo ka dhalata Roobkii Sannadkii hore oo aan sidii la rabay uga di’in deegaannada bariga Somaliland, ayaa waxa dedaal loogu jiraa in sidii Dadka Xooluhu ka baxeen loo gaadhsiin lahaa Gurmad iskugu jira Biyo iyo Baad, waxaana Labadii Maalmood ee u dambeeyay deegaannada Sool, Sanaag iyo Togdheer ku sii jeeday Gaadiid sida Biyo iyo Cuntooyin fudud, si Carruurta iyo Waayeelka socon kari waayay loo badbaadiyo.

 

“Waxaan soo maray deegaano aad u kala durugsan, sida Sanaag, Sool, Togdheer iyo degmada Oog ee gobolka saraar. Abaartii ugu xumayd ayaa degaanada ka jirta Xoolo iska dhaafe dadkii ayaa Xaalad Macaluul iyo biyo La’aan ku jira. Allaah raxmaanka uun baa waxa ka qaban kara.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Faarax-dheere oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo saxaafadda la hadlay Shalay, waxaanu intaa ku daray, “Dhulkii 10 kii talaababa waxa wadhan bakhtiga xoolaha.”

Warka-1-aad-8

Xildhibaanku wuxuu baaq u diray Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka, “Xukuumadda iyo nimanka Musharraxiinta ee xafaladaha Xisbiyada ku mashaquulay waxaan leeyahay waar umaddii Alle masuulka idiinka dhigay Geeri bay qarka u saaran yihiin, kuwa codka laga doonayaa waa kuwan biyo la’aanta u dhimanaya.” Ayuu yidhi.

 

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo hormood u ahayd Wefti Gurmad ah oo Xukuumaddu halkaa u dirtay, ayaa waxay Dadkii Abaartu haysay ee Jidadka Hareerahooda tubnaa u qaybisay Biyo iyo Cuntooyin fudud, si ay ugu sugaan Gurmadka qaybtiisa kale oo Gaadiidka sidaa ay deegaannadaasi gaadheen, “Abaarta ILAAHAY uun baa innaga qaboojin kara, laakiin Dawladdu waxay awood leedahay way isla kiin garab taageysaa.” Ayay tidhi, Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay mid ka mid ah tuulooyinka Dadka Abaareysani u soo hayaameen.

 

Sidoo kale, Dadweynaha ku nool deegaannada Gurmadka la gaadhsiiyey ayaa u mahad-naqay Gurmadka Xukuumaddu la gaadhay Dadka Abaareysan ee Xoolahoodii ka dhamaadeen.

 

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in Xukuumaddu sii dardar-gelinayso hawlaha gurmadka Abaaraha, “Waxaan ALLAHEENA WEYN ka baryayaa in uu abaarta ba’an ee dhulkeena ka jirta inaga jebiyo.”ayuu yidhi Madaxweynaha oo Shalay ka hadlayey Munaasibad uu Hargeysa kaga qayb-galay, waxaanu intaa ku daray, “Maalmahan soo socda, waxaannu dardar-gelin doonnaa gurmadka abaaraha saameeyey Gobollada Dalka qaar ka mid ah. Si hor-dhac ah, waxaan shacbigayga qiimaha badan ugu baaqayaa in u diyaar-garow  buuxa loo galo taakulaynta dadka abaaruhu tabaaleeyeen”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here