Wejiga Afraad Ee Wada-hadallada Dawladda Somaliland Iyo Khaatumo Oo Ka Furmay Jabuuti & Xubnaha Ku Cusub Wareeggan

0
911
gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah horjoogaha kooxda Khaatumo PHOTO FILE

Djibouti,(HargeisaPress) —Waxa Magaalada Djibouti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Djibouti Shalay ka furmay Wejiga Afraad ee Wada-hadallada u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh.

Wada-hadalladan ayaa bilaabmay ka dib markii ay Shalay halkaa gaadheen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habbane, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda Maxamed Mixille Boqorre, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Beeraha Somaliland.

Bilowga Wada-hadallada waxa xaqiijiyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, “Maanta (Shalay) ayuu noo bilaabmeen Wada-hadalladu, waxaanuna jecelahay inaanu ilaa Isniinta dhamaystirno haddii Alle yidhaahdo” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo u warramayey Shabakadda Wararka ee Ilaysnews.com, waxaanu intaa ku daray inay Salaasada joogi doonaan Magaalada Jabuuti, Maalinta Arbacada ahna ay Dalka ku soo noqon doonaan.

Guddoomiye Faysal wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo ajandaha Wejiga Afraad ee Wada-hadallada Dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, “Waxaanu ku heshiinay Shirka oo dhammaada mooyaane in aanaan Wax war ah bixinin..”

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here